Dhicid Iyo Labo Dhinac.
Dunida dareennada iyo Caalamka dhalanteedka marka aynu joogno waa meesheeda, se, kolka aynu joogno Dunida dhabta ah waa beentay, haddii aan ku iraahdo; "Gebigaygaba adiga ayaa i leh, marwalbane agtaada iyo kashaada ayaan ahay!"
Wixii ay naftaydu jamato oo ay jeclaato ayaanan u ballanqaadi karin helisteeda, sidee ayaan wax kuugu ballanqaadi karaa adiga oo aniga iga baxsan!
Laakiin waxyar Gacalladaydaay waxyar! Waxaa jirto wax aan awoodo. Wax aan samayn karo ayaa jirta. Waa in aan kula joogo inta awoodayda. Waa in aan kashaada ahaado inta karaankayga.
Arrintaasi dadku dedaal ayay ku sheegaan. Balse aniga loollan qaddarka, nasiibka iyo waayaha nolosha la la galayo ayaan u arkaa. Lama na hubo cidda guusha raaci doonto. Waa dagaal aan habayaraate waxba la isu reebanayn.
Gacalladaydaay, bal eeg. Iminka waxa aad saaran tahay gidaarkan gaaban. Anigane waxa aan kaa joogaa oo aan taaganahay dhinac. Waxaan se jeclaan lahaa in aan labada dhinac kaa wada taagnaado, si hadba dhinaca aad u dhici rabtaba aan kuu qabto.
Balse ma awoodo, oo karaankaygu waa labadaa dhinac mid uun inaan taagnaado. Noloshuna waa sidaa. Waa kala labo sida aad jeclaan lahayd iyo baaxadda awood iyo karaan ee aad haysato.
Gacalladaydaay! Waa aan jeclahay inaan abid kula joogo, kuu sheekeeyo, ku maaweeliyo, agtaada iyo kashaadane ahaado. Balse arrintaa iyada ah kuuma ballanqaadi karo, oo ma awoodo, sida aanan u awoodin inaan halmar labada dhinac kaa wada maro.
W/Q: Aw Dacar.
Comments
Post a Comment