Safar Macnawi ah.

Gacallo! Gacalladaydaay! Sideedaba, Basharka waxaa u dabci ah, dabiicina u ah inuu janto oo jeclaado tagtada waayihiisa. Waana sababta uu ula baxay Berisamaad. Waa sababta kololka uu kedis ku xusuusta waayihiisa carruur iyo kacaannimo uu daqiiqado aamusnaan ah isla maqnaado oo ruuxdiisa u dawaafiyo beryo iyo beryo kahor. Kolkaane caalamka maahsanaanta ku dhex dhoollacadeeyo, sidii qof waalan.

Gacallo! Gacalladaydaay! Marka laga tago inaad waayahaadii u xiistay, sidoo kale waxaad ku daashay taagantaada. Waxaad ku hafatay badweynta waaqica walaxawday. Waa duni casriya oo qalabkii iyo tegnaloojiyadii ka sharaf iyo qiimo bateen Basharkii daahqaaday. Afgambi aan dhiig ku daadan ayay dunidii ku qabsadeen, oo Basharkii gacan ku dhigeen. Waxa aynu noqonay addoomadii ugu horreeyay ee sayidkooda daahfuray. 

Haddii addoomadii hore ay sayidkooda dhabarka ku qaadi jireen, innaga maanta jeebabka ayaynu ku sidanaa. Haddii waagii hore addoomada suuqa laga soo iibsan jiray, markan sayidka ayaa suuqa laga soo iibsanayaa! Waxaa nagu jirta naf rooxaaniyad ka madhan oo tegnaloojiyada isu dhiibtay iyo jidh uu qalabka layliyay oo caalamka caajiska ku dhex silsiladaysan.

Gacallo! Gacalladaydaay! Waxaad kamid tahay boqolaalka milyan ee qaddarku ku soo beegay dunidan walaxaysan ama tegnaloojiyaysan. Se, nasiibka aad lahayd ayaa ahaa; inaad yaraantaadii iyo barbaarnimadaada aad ku soo gaadhay galbashada dunidii hore ee aysan tegnaloojiyadu sidan shaacsan uga wada talinaynin. 

Billowgii hore awood ma aysan lahayn, oo sidii Saxaabadii ayay dacwa sirriyah wadeen- qalabka iyo tegnaloojiyada. Kobaca awoodooda iyo barbaarnimadaada ayaa isla socday illaa ay kolqura dunidii la wada wareegeen oo dabinkooda gashay.

Gacallo! Gacalladaydaay! Waxa aan galabta kuu sidaa hadiyo. Ma aha wax muuqda, sida; Ubax, dhar, ama wax la isku carfiyo ama la cuno. Waa hadiyo dahsoon oo aan la taaban karin. Ha dhararsan'e waa safar hadiyadu. Ma aha safarkii aad tiqiin, ee waa safar cusub. Waa safar macnawi ah. 

Waxa aan dib u raadraacaynaa dunidii hore. Berisamaadkeenii ayaan saacado soo joogaynaa. Waayaheenii hore, inta aysan dunida tegnaloojiyoobin ayaanu u dalxiis tagaynaa. Halkaa ayaanu in saacado ah ku daansha-daanshoonaynaa.

Gacallo! Gacalladaydaay! Xiro dhar fudud, iyo kuwa ugu duugsan ee kuu yaalla, sida aan aniguba yeelayo. Innaga ilaali dharkii ugu dambeeyay inaad soo xirato. Innaga ilaali meeg-ap, waad se isa soo yara naash-naashi kartaa, sida dunidii hore la isku naash-naashi jiray. Ka soo tag taleefanka, katiinada, faraantiga iyo xattaa saacada. Ma doonayno saacad waqtiga inoo xisaabisa iyo aalad na afgambi karta kolka aan xagaa iyo dunida kale tagno.

Gacallo! Gacalladaydaay! Iminka albaabka ayaan taagnahay ee soo bax. Kula mid baan ahay ee soo iima jeedid, dharkaygii iga yaraaday ee dhawrka sano kahor ayaan soo xirtay. Ha werwerin lacag inagu filan waa inoo wadaa, iyada oo Soomaali iyo sarif ah. Balse wax gaari ah laguma raacayo ee lug ayaynu badda ku tagaynaa. Ma rabno wax tegnaloojiyad ku saabsan inaan u sii marno dunida kale. Cagaheena ayaynu ku gaaraynaa. Ina wadi oo ina qaadsii luuqyo waahore inagu dambaysay inaan si dhab ah u marno.

Gacallo! Gacalladaydaay! Waxa aynu tagaynaa badda. Waxa aan siibaynaa kabaha, oo xeebta fadh-fadhiisanaynaa. Ciida cammuuda ah ee jilicsan ayaanu salka dhigaynaa. Lugaha ayaynu la kala baxaynaa oo dhanka badda u jihaysanaynaa. Halkaa ayaynu waqti iyo sheeko qurux badan ku wada qaadanaynaa. Sidii labo ciyaala ayaan sheekada dhexdeeda jallaato ku dhex dhuuqdhuuqaynaa. Mararna waan is eryanaynaa oo isfaduulinaynaa. 

Gacallo! Gacalladaydaay! Maadaama sayidadeena aan guriga uga soo tagnay, waxa aan si xorriyad leh ugu damaashaadaynaa xeebta. Kolol waxa aynu jilaynaa dhoocilad yar oo kibir badan oo markaa naaska u soo baxay oo cajiin doon ah iyo kuray daandaansi badan, deedna daqiiqado iyo daqiiqado ayaanu Haweenaydii xeebta fadhiday ee aan jallaatada ka iibsanay oo aan makiinadii cajiinta ku metelayno dusheeda iskula meeraysanaynaa. Kolol inta aan yara aamusno ayaynu daqiiqado is eegaynaa. Marar ayaynu legga iyo laabta isaga seexanaynaa oo daqiiqado, daqiiqado iyo daqiiqado indhaha isku qabanaynaa oo duni dahsoon dhex dawaafaynaa.

Gacallo! Gacalladaydaay! Si walba ayaan ugu galgalanaynaa xeebta iyo dunida xorta ah, mararna innaga ayaaba isku galgalanayno. Waan sii joogaynaa xeebta, illaa aan sagootinno cadceedda, oo aan murugada ay fallaaraheeda guduudan ku muujinayso la qaybsanno. Intaa kadib ciidii iyo wasaqdii ayaan iska maydhaynaa oo kolkii ugu dambaysay sagootinaynaa dunidii xorta ahayd oo sii madoobaanayso.

W/Q: Dacar




Comments

  1. Awdacarow waa qormo cajiib ah alle ku sharfo.

    ReplyDelete

Post a Comment

Popular posts from this blog

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!