Kamkamkii Kalluunka!
Waa ay is gaabisay, oo qunyar shaf gariiraya dhulka dhigtay. Qabowga iyo qallafsanaanta daran ee dhulka ayay dareentay, se dan kama aysan gelin ee waa ay isku nabtay, illaa ay kamid noqotay dhulkii. Walow ay soo oroday, haddane waxay isku hawshay in hinraageeda iyo hugunka laabteeda ay xakamayso. Sida ilmaha qayliya naaska loogu aamusiiyo, ayay dhug-dhugta wadnaheeda ciidda ku aamusiisay.
Dhaqdhaqaaqa xubnaheeda iyo neefsigaba waa ay joojisay. Indho didsan oo baqanaya ayay horteeda ku eegtay. Waa barta ay sanqadha iyo urta ka dareentay. Waxba se waa ay arki waydey. Walow uu mugdi iyo ilays la’aan dhulka ka jiray, haddane taasi kama qarin, kama na hor istaagin. Mugdiga waa ay ba ku shaqaysataa.
Cawska iyo caleemaha ku meegaaran ee ay dhexda kaga jirto ayay u sababaysay wax arag la’aanta. Sidaa awgeed, iyada oo sanqadhtiranaysa oo sidii u dhabbacan ayay sida askari dagaal ku jira u ruqaansatay. Goortii ay gaadhay goobtii ay wax ka arki kartayna, waa ay joogsatay. Hadda, si waafi ah ayay wax u dhugan kartaa.
Xididdadii indhaha iyo xubnihii jirka ee baqdinta isugu soo aruuray ayaa kala furfurmay. Neeftii iyo wadnihii ay xakamaysayna dib ayay u fasaxday. Beerka iyo bogga oo goorahanba dhulka kamid ahaa ayaa sidoodii dib ugu noqday. Waxa ay garatay wixii horteeda ka muuqday. Wixii shanqaray ee u soo shiiray ayay aqoonsatay. In kasta oo aysan xilligan uga baran, haddane in uu isagii noqdo ayay aad ugu riyaaqday.
Xaskii jikada ku ag yaallay ee ay ku dhex jirtay ayay si tartiibtartiib ah uga soo sara kacday, oo dhankiisa aaday. Gaajo iyo harraad daran ayay kax la tahay. In le’eg ama ka badan ayay ruuxdana ka baahan tahay. Hamuunka ay cunnada u hayso, waxaa ka daran hilowga ay isaga u qabto. Saddex caano-maal indho ma aysan saarin. Haddane araggiisa filan-waa ayuu ku noqday.
* * * *
Caawa waxbaa ka si’ ah. Sidii lagu yaqaanay ma aha. Isaga kaliya ma aha ee cimilada iyo cirkuba in ay wax ka khaldan yihiin ayuu u arkaa. Iyaga kaliya maahee, wax walba oo ku hareeraysan waxbaa ka khaldan. “Horta cirku caawa foolxumaa!” ayuu hoosta iska leeyahay. Habeenno ayuu arki jiray cir buluuggan oo caad ka saafi ah, iyo xiddigo tiro beel ah oo aad u dhalaalaya. Mararka qaar, waxa uu daawan jiray dayaxa oo ay ku meegaaran yihiin xiddigo si xarrago leh daruuro cadcad oo khafiifa u dhex-jibaaxaya.
Jilaa Hindi ah, oo istaafkiisu ku hareeraysan yihiin oo mawjado atariishooyin qurqurux badan dhexqaadaya ama ay daba iyo hor marayaan ayuu ku masaali jiray. Sida uu tusaalaha ula helay ayuu ka yaabi jiray, oo kaligii qosol isku camiri jiray. Deganaanta habeenka iyo ashqaraarka cirka ayuu la ashqaraari jiray oo habeenno iyo habeenno aamusnaan ku qaadan jiray.
Caawa se cirku cirkii ma aha. Quruxdii uu ku yaqaanay na ma leh. “Oo waxan oo foolxuma ahi miyay u qarsoonayd?!” ayuu iswaydiinayaa. “Oo wixii qurux iyo shaamareer ahaa meeday?” ayuu mar kale hoosta ka yiri. Daruuro yaryar, madow iyo cadaan isugu jira oo sanka isku wada haya ayaa cirkii isku fidiyay.
Gashaanti samays xun oo caawa naashnaashkii ay marsan jirtay soo illowday ayuu barbar dhigay. Kuma se qancin. Gashaanti si qarriban bootar iyo kareem aan midibkeeda loogu talagelin soo marsatay, oo wajigeedii dhammaa bar madow iyo bar cad wada noqday ― sidii lax dambas ku kuftay ayuu mar kale ku masaalay. Qosol dheer ayuu ku dhuftay. Waxay u muuqataa inuu u riyaaqay tusaalahan dambe, oo uu ku qancay.
Saacad ayuu jikada dhex fadhiyaa. Kayse, kaakigii uu saaka gashaday oo magaalada kusoo galay ayuu weli ku taagan yahay. Shaadh qallafsan iyo surwaal jeermisa ayuu xidhan yahay. Labo hoos-gashi oo aan dhaaminna waa ay uga hooseeyaan. Muuqaal ahaan; waa barbaar dhuuban oo midabka dubkiisu yahay madow furnaanta Soomaalida lagu yaqaano. Timo madow oo jilcsan iyo san wejiga intiisa kale ka soo dheer ayuu lee yahay. Indho godan oo ay ku yaryihiin xididdada naxariista ayaa meel fog ka soo muuqda.
Kolka laga soo tago waxbarashadiisa dugsiga sare, ma jirto wax wacyi iyo wacdaro kale oo uu lee yahay. Gelinka hore waa iskuulkiisa, ka dambana kubbadiisa. Gabbalku marka uu dumo, waxa uu fiidkii la caweeyaa saaxiibbadiisa. Habeennada qaarna, waxa uu ka door bidaa eryashada iyo ugaarsiga gashaantimaha la ayniga ah.
Sida caadiga ah marka uu guriga soo galo qolkiisa ayuu ku horrayn jiray, si uu dharka isaga beddelo. Deedna suuliga ku soo dhaqdhaqan jiray, oo jikada iyo wixii cunno dhextaallo u hollan jiray. Se caawa kolka uu kadinka ka soo galay jikada ayuu u hor galay. Gaajo kama aha, oo waa kan saacad isaga dhexjira, isaga oo aan weli afka wax saarin. In uu xanaaqsan yahay, in laga soo xanaaqay, inuu cabsanayo, in laga cabsanayo, in uu warwarayo, iyo in laga warwarayo ka ay tahayba waa kaa isla aamusan ee ku dhaygagsan burjikada dansan ee hortiisa taalla.
Digsi daallan oo dabku dabadiisa madoobeeyay ayuu gacanta la tiigsaday. Daboolka ayuu ka fayday, waa bariis. Isaga kaligii ayaan cashayn, oo reerka intiisa kale waa casheeyeen. Waxa uu ka fekeray inuu saxan ku rito iyo in uu digsiga faraha la galo. Int uu hamaansaday ayuu ta dambe qaatay.
Gasacad kalluuna oo uu sitay ayuu daboolkii ka fiiqay. Saliiddii ka soo horraysay kalluunka ayuu inteedii badnayd dhulka isaga qubay, oo afka digsiga u wada galiyay kalluunkii. Markiiba jiq jikada ku agtaallay ayuu jabaq ka dareemay.
Waa uu eegay. Walow ay mugdi ahayd, haddana wuxuu arkay hummaag xayawaan oo sii dhabbacanaya. Dan iyo heello kama uusan galin ee cunnadiisii ayuu faro aan loo faraxalin iskala galay. Kolkii uu dhawr mar cantoobsaday, oo bishimo aan bisinka qabanin ku daboollay, calooshana u sii diray ayuu arkay hummaagii jiqda iyo xaska dhabbacsanaa oo si tartariiba u sare kacaya. Garay! Waa Bisaddiisii! Shaki la’aan waxa ay soo raacday sanqadhiisa iyo urta kalluunka.
* * * *
Intii aysan gaarin kahor ayaa sidii oo ay shaqo badan qabatay oo ay daal naf la tahay isku kala bixisay barxada yar ee isaga ka sokaysay. Afarteeda addin ayay horay iyo gadaal u kala jiiday oo jimicsatay. Deedna qunyar caadi iska dhigtay oo dhankiisa aaday. Hamuunta ay kalluunka u qabto waxaa kaga darnaa hilowga ay kubkiisa iyo gacan salaaxiisa u hayso. Kolkay soo gaadhay ayay sidii maskii lugaha isaga martay, iyada oo ursanaysa, iskuna xoqaysa. Urtaas iyo isku xoqaasi diirrimaad, degganaan, iyo dugsiinno ayay uga dhignayd.
Kayse, sida ay ka filaysay ama ay ka baratay madaxa gacanta uga ma salaaxin. Intuu“Bis” yiri ayuu iska durkiyay, oo cunnadiisii iska sii watay. Bar go’ ayay dareentay oo mar kale lugaha isaga martay. Kayse oo dareemay inay bisaddii mar kale soo laabatay ayaa lugtii ay ku marnayd isaga riixay oo isaga riixay, haddana ku waabiyay oo ku waabiyay illaa uu iska fogeeyay.
Ujeedkeedu waxa uu ahaa, in marka hore baahida ruuxda ay quudiso oo weheshato urtiisa, isku xoqa jidhkiisane ku waraabiso. Ruuxdii dhaxanta, cidlada, kelinnimada, roobka iyo mugdigaba la deris ahayd saddexdii habeen iyo maalin ee uu guriga ka maqnaa. Intaa kadibna jidhka ku quudiso oo kalluun ama hilib, iyo wixii uu siiyaba cunto. Labo jeer oo kale oo ay isku dayday inay hoosta ka gasho, waa uu eryay.
In ay caawa wax khaldan yihiin oo sidii hore Kayse ahayn ayay dareentay. Haqab-tirka ruuxda in aysan caawa suuroggal ahayn ayay sidoo kale istusisay, oo u hollatay dharjinta caloosheeda mar haday ruuxda suuroggaliweyday.
Inta ay si qumman meel ka agdhow isu qotomisay ayay catow ay cunto kaga dalbayso, siiba kalluunka ku billowday. "Miyaw! Miyaw! Miyaw!" Kayse, inuu wax u tuuro ama meel u dhigo daaye, dhankeedaba ma uusan eegin.
Intay yaabtay ayay kusii durugtay oo lugteedii si debecsan ugu soo jeedisay, sidii oo ay lee dahay “War maxaa caawa kaa khaldan?!”
Bal maxaa ku watay?! Bal maxay hoosta uga gashay?! Bal maxay u taabatay?! May meesheeda ka yawyawlayso, hadduu siiyane aragto, haddii kalena isaga tagto.Kayse oo malaha dulqaadkii ka dhamaaday oo sugi la’aa fursad uu bisadda ku helo ayaa bahal laada shafka iyo madaxa kala helay. Kolka laga tago awooddiisa oo uusan waxba kala reeban, waxa uu xidhnaa buudh adag.
Iyada oo aad mooddo fallaar la ganay ayay kadinka jikada meel alaabtii lagu casheeyay ku filiqsanayd ku dhex dhacday. Markiiba waa ay dawaqday oo iskala garanwayday. Jug culus ayaa madaxa iyo dhinaca midig ka gaartay. Qayli ayay maagtay, se naqaskii ayaa ku dhagay. Sidii oo ay nafta hayso ayay afka kala waaxday, oo hawo xoog ku raadisay. Weli se hawo hagaagsan ma aysan helin. Kac oo carar oo meelahaa hawo iyo nefis u raadso ayay maagtay. Se, lug iyo dhinacba way dhaqaajin wayday.
Waxay xaqiiqsatay in dhaawac culus uu soo gaadhay. Way ilmaysay. Illin aan dhawaaq iyo cod wadan. Ilmadu kala xanuun badan. Dhawaacuna kala daran. Inaad hoos u ooydo ama codba iska waydo waxay lamid tahay dakhar madaxa kaaga dhacay oo dhiig maskaxda ku furmo, halka ay ahayd inuu bannaanka u soo burqado. Dhaawaca sokeeyaha ama wehelkaaga kuu gaysto waxay lamid tahay adiga isdooxay.
Bisiddii kolkan ilmadii waa ay joojisay. Maya e waa ay ka dhamaatay. Iskeed ayay ilmadii isaga istaagtay. Halkii ay ku dhacday ayay si qaabdaran weli u taallaa. Weli sidii ayuu naqaska uga xiran yahay. Indhaha ayay caddaynaysaa marna Kayse ayay eegaysaa oo caawimaad ka rajaynaysaa. Haddii ay kari karto afkeeda dhareerka iyo dhiiga ka da’ayo ayay kala furi lahayd oo hadal u hollan lahayd. Haddii ay u hollatana, waxa ay galabsatay ayay weydiin lahayd.
Sidan hadduu u galayo, sababta duhurkii u horraysay ee Carruurta dhagaxa hurdada kaga toosiyay uga celiyay ayay weydiin lahayd. Damiirkii duhurkaa u damqaday waxa caawa iska beddelay ayay wax ka su’aali lahayd. Sababta uu naxariista markii hore ugu muujiyay, mar hadduuba nacaladdan isu beddelayo ayay waydiin lahayd.
Waxay u qaadan la’ dahay Kaysihii laabta ku qaadan jiray, in uu caawa ku ag raamsanayo, iyada oo naqas iyo jug culus la kici la’. Jugta jidhkeeda soo gaaray midka ruuxda ayaa ka daran. Kayse, waa Aadanaha kaliya ee ay aamintay, xilli iyada oo yar ay dugaag iyo dadba isku dayeen in ay dilaan.
* * * *
Waxay xusuusataa, iyaga oo afar ah oo ay Hooyadood qadhaab uga maqan tahay in duul is eryanaya dul mareen. Waa ciyaal iska ciyaarayay. Afartii dhasha ahayd ee ay kamidka ahayd labo kamida ayaa dhimatay. Markay labadii kale qayliyeenna carruurtii ayaa ku soo jeesaday oo dhagaxyo la dhacay, sidii oo ay dhashu sinaysatay.
Iyadu waa ay yarayd. Qiyaastii isbuuc ayay dunida joogtay, haddana sidii oo ay bilo joogtay orodyahanad na tahay ayay cagaha wax ka dayday. Falsafadda tiraahda "Naftu orod bay kugu aamintaa" ayaa si dabiici ah ugu tolnayd. Iyada mooyee tii kale halkii ayay ku qudh- baxday.
Maalintaa wixii ka dambeeyay nolol Hooyo la'aan ah oo silac iyo saxariira ayaa u billowday. Xaafadda uu qaddarku dhexgeeyay kuma oollin kawaan iyo barkulan ay bisaduhu ku kulmaan. Middaas oo silicii u sii laballaabtay. Haddii aan maalin la dakhrin, maalinta xiga ayaa la dakhri jiray. Sida qofka xanuunka la nool uu jidhkiisa wada irbado u noqdo ayay iyaduna jidhkeeda wada nabar iyo dakhar u noqday.
Waxay ciidda, caleemaha iyo hambada dadka soo daadiyaan cunto, mararna baahi iyo bahdilaad isaga seexato oo dadka iska ilaaliso ayaa habeen saqdhexe iyada oo surin madow badhtankii si taxaddar leh u maraysa, dhawr Xoor oo xanaaqsan horay iyo gadaal kaga yimaadeen. Habeenkaa xag Alle uun bay ka noolayd. Xag Alle uun bay ka badbaaday. Lug ayay jiidaysay, madaxuna wuu dhiigayay kolka ay luuqaa baas iyo afartii xoor ka soo baxsanaysay. Habeenkaa ayay qorshaha ku darsatay kaliya in aysan dadka iska ilaalin ee sidoo kale dugaaggana iska ilaaliso.
Ma aysan jirin bisad ay saaxiibaan, si ay waayaha dunida ee arxanka daran isaga dugsadaan. Dhawr mar ayay curri kulmeen, isaguna wax aan hammo iyo galmo ahayn uma uusan soo bandhigin.
Waxa ay silicaaba isaga noolayd ayaa duhur duhurrada kamida, sidii caadada u ahayd iyada oo geed hadh weyn iskaga harsanaysa ayaa carruur soo agmareen. Horay ayay ka boodi lahayde, hurdo dheer ayay ku jirtay. Labadii habeen ee u dambeeyay ayay bahalo iyo baahi ka seexan weyday. Kolkay hambo yar oo ay geed har macaan ka heshay isku hubsatay ayay harsi iyo hurdo u hollatay, deedna hurdo dheer oo aysan waayadan arkin gashay.
Mid habaarqabe ah oo carruurtii soo agmartay kamid ahaa ayaa arkay bisadda huruda. Deedna si uu saaxiibbadii ugu caddeeyo in uu shiishyahan yahay ayuu dhagax qaatay. Inta karaankiisa intuu iskala jiiday ayuu mukulaashii ku halgaaday.
Dhagaxii oo maqiiqan ayaa bisadii oo huruda bawdada kaga dhacay. Qaaaq! Kol qudha ayay hawada u haaday, oo geedkii ay hadhsanaysay madax la heshay. Iyada oo jug iyo jahwareer kii hore ka daran lasoo laabatay ayay dhulka si qaab daran ugu soo dhacday. Waxay garan garanwayday balaayadu barta ay uga timid. Sidii wax dardaran ayay iska daba wareegtay. Carruurtii ayaa kol qudha qosol iyo qaraaxo la kala daatay, oo habaarqabihii ugu hambalyeeyay shiishyahannimadiisa.
Mid kale oo ka masayray hambalyadaa ayaa u holladay dhagax qaadasho si uu isaguna u caddeeyo inuu shiishyahan yahay. Qosolkii ayaa la joojiyay oo la isu daayay bisadda weli sidii isaga daba wareegaysa iyo basharkan iskala jiidaya. Nasiib wanaag iyo nasiibdarro ka ay tahayba inta uusan tuurin ayaa barbaar luuq ka soo baxay. Waa Kayse oo iskuulkiisii ka yimid. Waxa uu arkay bisada dhibban iyo carruurtan dul taagan.
Markiiba wuu kala eryay, deedna socodkiisa iska sii watay. Walow aysan wajigiisa si fiican u arkin, laakiin waxay dareentay inuu wali dunida joogo noole iyada u damqanaya. Waxay jeclaysatay inuu horay u wato. Inuu horay u kaxaysto, hadduu doono addoonsado oo lahaado. Kaliya dadkan iyo dugaaga ay ka weheshato. Se taasi ma aysan dhicin, iyaduna markiiba ma aysan dabageli karin xaalad jahwareer oo ku sugnayd awgeed.
Iyada oo ay xaalkaa isaga noolayd oo meelaheeda isaga qaadhaabata oo silac adduun u yarayn, ayaa habeen habeennada kamida, xilli fiid dambe ah wax u soo kamkameen. Guri ay gidaarkiisa hoos maraysay ayay wax uga soo shiireen. Waxa uu ahaa kamkam Kalluun! Ur kalluun oo aad udgoon ayaa sankeedu saaqay. Markiiba gidaarkii ayay fanatay oo u dhacday gurigii. Barbaar feera qaawan oo jikada ku dhex cashaynaya ayuu ahaa. Waxa uu xidhnaa macawis sarando ah, waxa uuna u muuqday mid uu jawigiisu markaa wanaagsan yahay.
Dhawr jeer markay ku catawday ayuu in kalluuna siiyay. ilbiriqsi ayay ku leeftay. Barbaarkii oo ka yaabay baahida bisada ayaa in kale oo intii hore ka badan siiyay. Way laastay. Haddana in kale ayuu u dhigay, si lamida ayay u dhammaysatay. Barbaarku waa u dhigaa, bisaduna waa leeftaa, Kolkay dharagtay ayay wajigiisa eegtay. Waxay ka fekertay noolihii badbaadiyay duhurkii iyo midkan caawa wax siiyay waxa ka dhaxayn kara. Waxay qorshaha ku darsatay inuu jiro noole labaad oo u diirnaxa.
Ogaalkeeda oo yar awgii ma garan karto inuu qofkan yahay isla kii duhurkii badbaadiyay. Kayse, Kayse Faarax Aw Geedi. Sidii ay habeenkaa Kayse iyo gurigaa u baratay waxay ka nasatay gaajadii iyo harraadkii joogtada ahaa ama maalmo xidhiidhsanaan jiray.
Waxay isku beegtaba xilliga uu casheeyo ayaa habeen, iyada oo kalluun uu hoostii dhigay cunaysa, madaxeeda iyo dhabarkeeda uu gacan qabow si dabacsan ugu salaaxay. Jiriricyo ayaa ku jajabtay, heer ay joojisay cunidda kalluunkii. Deganaan iyo macaansi aysan abid dareemin ayaa jidhkeeda wada saaqay.
Habeenkaa wixii ka dambeeyay wehel ayay ka dhigatay, illaa markii dambe ayba gurigiiba soo degtay. Nasiib wanaag Carruur Kayse ka yaryar guriga kuma noolayn, balse Hooyadii oo ay maalin caano ka daadisay ayaa la collowday. Se Kasha, hiifitaanka, iyo halgaada ay maamada kala kulanto waxay ku illoowi jiratay gacanta macaan ee Kayse iyo kalluunka uu siiyo.
Marba marka ka dambaysa wehel ayay ka dhiganaysay illaa ay u gudubtay inay seexato sariirtiisa markuu maqanyahay iyo markuu joogaba. Codkiisa ayaa ay ka baratay codadka dadka kale, xattaa garaaca albaabkiisa ayaa ay ka taqaanaa kuwa kale. Kolka uu sidaa kadinka uga soo galo, inta iska fiiriso maamada, haddii aysan u jeedin, ama gurigaba joogin dhankiisa ayay u ordi jirtay, iyada oo farxad iyo raynrayn ku soo dhawaynaysa. Isaguna laabta ayuu ku qaadi jiray, illaa uu aqalka la galo.
Deedna qunyar dhulka dhigi jiray. Inta uu dharka iska beddelayo lugaha ayay isaga mari jirtay iyada oo jidhkiisa ay isku xoqaysa diirimaad iyo deganaan ka raadsan jirtay, marmarna dhulka ayay is daadin jirtay iyada oo dhabar-dhabar u jiifanaysa oo boggeeda iyo beerkeeda jilicsan xaga sare soo marinaysa. Middaa oo ay ku caddayn jirtay kalsoonida buuxda ee ay isaga ku qabto. Inta badan bisaduhu kolka ay dhiillo dareemaan ama ay joogaan goob aysan ku kalsoonayn bogga ayay dhulka u dhaweeyaan ama ku nabaan, waayo waa halka ay u jilcan yihiin.
Kayse, waxa uu u ahaa nolol. Waxa uu u ahaa daaqadii ay daryeelkiisa sida iftiinka uga aragtay. Waxa uu u ahaa xarigii ay kaga soo baxday haadaantii madoobayd ee ay maqaadiirtu dhexdhigtay. Waxay isku qancisay badhaadhihii iyo barwaaqadii ka awdanayd in imika loo fasaxay. Way ka raysatay diiftii, diihaalkii, iyo darxumadii ay ku noolayd.
Sida uu xaal sidaa u ahaa ayay mar qudha Kayse wayday. Saddex habeen iyo maalinkoodii, iyada se dhankeeda sanooyin ka ahaa. Gaajo, harraad, cidlo, iyo hilow ayay dib ula deristay. Dhawr jeer oo ay shanqar jikada ka dareentay oo Kayse u malaysay, oo ay u soo oroday ayaa kal haadaysaa ka hor timid. Waa Kayse Hooyadii oo jikada ku jirta.
Kol uu hilow iyo kelinimo googooysay, ooba soo xusuusatay waayaheedii hore ee qadhaadhaa ayaa habeen xilli dhulku mugdi yahay, oo korontadu maqan tahay jikada ka maqashay shanqar. Maamadii inay tahay ayay isku qancisay. Se, kolkii uu Kamkamka Kalluunka sankeeda ku saaqay ayay garatay inuu Kayse yahay ka jikada ku jira, haddana ka shakisay inay maamadii tahay.
Waa tii soo oroday ee kadinka jikada bareeg ku qabatay. Hubsasho awgii waa tii dhex dhabbacatay cawska iyo caleemaha is dhexgalay ee jikada ka agbaxay. Waa tii indhaha ku baniinisay noolaha jikada ka shanqaraya, ee kolka ay hubsatay inuu Kayse yahay kor u booday farxad awgeed oo dhankiisa u oroday. Xusuustaa dheer ee qaraarka iyo macaanka isugu jiray ayay ilbiriqsiyo sidii cajaladii isugu bedbedeshay.
* * * *
Caawa way aamini la’ dahay Kaysahani inuu Kaysihii yahay. Wehelka iyo noolaha kaliya ee ay dunida ka haysatay inuu dhaawacan u gaysan doono marnaba kaskeedan koombada ka yar ma soo gelin. Habaarqabihii duhurkii hurdada dhagax kaga kiciyay iyo Kaysahan soo fadhigaxun ee ku agraamsanaya farqiga u dhexeeya ayay ka fekertay. In aan waxba u dhaxayn ayaa u soo baxday.
Wax kasta billowgiisa ayaa laga baaqsan lahaa, haddii la sii ogaan lahaa dhammaadkiisa. Iyadu ogaal ba ma laha oo maba taqaano waxa socda iyo sida ay u socdaan. Marka cidi dhibaataysana ma waydiin karto sababta ay ugu gaysatay, waayo maba hadli karto. Dareen ayay isticmaashaa marka ay rabto in ay dadka la xiriirto. Qof aan qalbigiisu foorarin ayuun baana dareemi kara.
Kayse qalbigiisu caawa miyuu fooraraa? Dareemihii uu duhurkii dhagax hurdada looga kiciyay iyo habeenkii u horraysay ee ay baahi la hoos yuusaysay uu ku qaabilay, caawa miyay ka maqanyihiin? Xaggee bay ka aadeen? Mise kaliya muudhkiisa ayaa markaa saxsanaa, se caawa kharriban? Waa caado nacladan oo uu lee yahay. In dareenkiisa iyo dadka is dhexgaliyo. In uu si qumman oo qiimo leh kuula dhaqmo waxa ay ku xiran tahay hadba muudhkiisa iyo jawiga uu kolkaa ku jiro.
Waa sababta qoyskii uu saddex maalin iyo habeenkood uu ka maqnaa uusan u salaamin ee jikada iska galay. Shanqartiisa kolkay hooyadii maqashay ee dhawr jeer “Waa ayo?” tiri kol dambe “Waa Kayse!” Uga baxay ee ka aamusay. Nin sidaa Hooyadii ula dhaqmaya oo miisaanku ku yar yahay sidee buu ku qaabili lahaa bisad yar oo isku martay.
* * * *
Iminka waa ay is dhiibtay oo tabartii ayaa ka sii dhamaatay. Irridihii caawinaada iyo badbaadada inay isa soo xidheen ayay istusisay. Dheecaan yar oo ay dhanka midig ka dareentay ayay isku dayday inay ogaato. Se way awoodi wayday inay isdhaqaajiso. Waxay dareentay xanuun iyo olol daran oo cagaha hoose kaga soo bilaabatay.
Kol qudha oo naqaskii u soo laabtay ayay qaylo afka jabsatay. Miyaaaaaaaw! Miyaaaaaw! Kayse, oo u haystay inay mar hore bahashu tagtay ayaa qayladeedii dhagaha farta geliyay. Deedna dhibsaday oo wax ku halgaaday. Kolka laga soo tago inay nafis u cabaadaysay, dhanka kale waxa ay is lahayd; wuu kuu diirnaxayaa oo oohintaada iyo cabaadkaada ayaa damqin doonta, se kashan maqiiqan kolkay aragtay ayay orod jabsatay. Goor ay booday iyo si ay u booday ayay garanwayday. Waxay xasuusatay bootintii maalintii iyaga oo yaryar labana mayd ka ahaayeen, iyadana dhagax la huwiyay.
Se, sidii maalintii uma wada boodin oo lugaha ayay jiidaysaa. Mayee qaarka dambe oo dhan ayay dhulka ku jiidaysaa! Dhaawaca soo gaaray, jug kaliya waa uu ka cuslaa. Waxa ay ku dul dhacday oo maacuun kala duwan ahayd, waxaa kamid ahaa Toorri! Taa oo kellida ka gashay, illaa iyo bawdadana jeexday. Waxay sii jiitantaba waxay gashay jiq musqusha u dhawayd. Halkaa ayay nolosheeedii intii ugu dambaysay ku qaadatay.
Waa taa gariirtay, sidii oo ay koronta haleeshay. Waa taa afarta addin soo kogeen, sidii oo ay qallal qabto. Waa taa naftu qabatay ee qaarka hoose ka soo gurantay. Waa taa xubin walba oo ay ka sii baxdo naftu ay qabow baarid–barafa noqotay. Waa taa qaarka sare iyo sadrigeeda la soo gaaray. Waa taa indhuhu cadaadeen ee kor ku dakhrameen. Waa taa margiyada dhuunteedii soo wada baxeen, sidii oo xarig lagu merjinayo. Waa taa afkeedii xumbo iyo dhiig buuxiyeen.
Waa taa qunyar qunyar naftu uga socotay, uga socotay, uga socotay, oo uga socotay, illaa ay mar qudha gariirkii iyo dhaqdhaqaaqiiba joojisay ee wada qabowday. Waxaa isku mar ahaa neefsigeedii u dambeeyay iyo cantuugadiisii u dambeeyay ee uu afka u diro. Ham!
Intaa kadib, jawigii mugdiga ahaa iyo wax kasta oo ku sugan waa ay istaageen, oo jabaq iyo dhaqdhaqaaq joojiyeen. Malaha waxa ay ka baroordiiqeen geerida Bisadda. Waxaa se jirta cid aan dhaqdhaqaaq joojin. Waa jabaqda iyo isjiirka Gawsaha Kayse ee sida arxanka darran u burburinaya cantuugadii bariiska ahayd. Qararram! Qararram! Qararram!
July, 2021.
W/Q: Aw Dacar.
Comments
Post a Comment