Waraysigii Sanyare | Faallo.

"Sideedaba, Alshabaab cidda ugu dambeeya ee ay dilaan, waa Cadawgooda!"- Xildhibaan Sanyare.

Sadarradan kooban ee soo socda, waxa aan idin kula wadaagi doonaa, qaar kamida wixii iiga soo baxay waraysi laba qaybood ahaa oo laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudug, haddana ah; Xildhibaan Federaal.

Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa 27-da Jun ee 2020-kii loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Goortaa waxa uu Gobolka la daalaadhacayay colaad iyo aanooyin sokeeye iyo amnidarrada Alshabaab. 

Subaxdaa la magacaabay, subaxdeeda kale ee 27-da Jun ee 2021-dii, waxaa dil toogasho lagu fuliyay Siddeed iyo Toban ka tirsan Alshabaab. Toogashadaa kadib, waxaa Gaalkacyo iyo si guudba Gobolka u soo udugtay Saxansaxa-nabadeed.

Ayaanle oo ah Weriyaha waraysiga qaadayay ayaa su'aalay, sababaha u suuraggaliyay soo qabashada raggaas iyo in uu Amniga Gobolka wax muuqda ka qabto. 

Sanyare ayaa jawaabtii ku soo koobay laba qodob. Dedaal uu la yimid iyo doonista Alle oo kulantay. Waxaa markale la su'aalay boqolaalkii caqabadood ee ka hor yimid iyo sida uu u xalliyay. Iyadane, daacadnimo, dedaal iyo doonis Eebbe ayuunbuu markale kaga jawaabay.

Jawaabaha qaar ee kooban ee guudmaraysan ee aan xog laga dhadhansanayn ee uu Guddoomiyaha bixinayo, waxaa laga fahmi karaa, in uu aad u taxaddarayo. Waxa uu lee yahay Dhug-amni. Si kale, waxaa iiga muuqday Dhaqansirdoonnimo. Aan hal tusaale kaa siiyo.

Waxa uu Sanyare ka warbixiyay xeelad uu adeegsado Ninka Shabaabka ah ee la qabto. Waa in uu magacyada dhawr ilma-adeeradii ah ku dhex-sheego qolka baarista kolka la weydiiyo cidda kale ee ay isla shaqeeyaan. 

Waxa uu uga golleeyahay marka la soo qabto raggaas, in hadhow Odaydii reerka oo xanaaqsan oo dacwo ah saldhiga yimaadaan, iyaga oo ku doodayo in Booliska uu si gaar ah u bartilmaamsaday oo shan Barbaar oo hal qoys ah saldhiga dhigay. 

Kolka la isla buuqo, la isku murgo, oo la isku daalo ayaa Boolisku go'aansanayaa in Wiilasha la wada sii daayo. Ninkii Shabaabka ahaana, sidaa ayuuba xeeladdii iyo buuqii ugu dhex dhuuntay.

Haddaba waxaa Sanyare la su'aalay xeeladda kale ee uu xeeladdaa yaabka leh uga hor tagay ama ku xaliyay. Kama uu jawaabin ee meel kale ayuu afka saaray! Halkaa waxaa laga fahmi karaa, in dagaalka uu Shabaab la galay ay bartay oo u laylisay qaab iyo dhaqan Sirdoonnimo. 

U fiirso, waxa uu sheegayaa oo sharaxayaa caqabadihii jiray, xeeladaha ay adeegsadaan iyo siyaabaha ay dadka u dhagraan. Haddane ma wada sheegayo wixii uu ku xalliyay. Waayo, waa sir! Waxa uu ogyahay in ay waraysigiisa daawanayaan oo ay khibrad iyo waayo'aragnimo ka kororsan doonaan.

Waxaa xusid mudan, in uu cambaareeyay dadka ka soo badbaada Hoteellada la galay ee sheeg-sheega halka ay ku dhuunteen. Waayo, kuwa kale ee berri Hoteel kale gelidoona, waxa ay haystaan khibrad cusub iyo meelaha ay dadku ku dhuuman karaan. Waxaana halka laga fahmi karaa, in bulshada si guud aysan u lahayn wacyi-amniyeed iyo dhug-feejigaaneed. 

Waxaa jirta qodob aan aaminsanaa oo Guddoomiyaha igu raacay. Waana Shabaab inta ay caqiido ku taagan tahay in ay ka badan inta ay cabsigelin ku taagan tahay. Waxaa yaab lahayd, sida uu u kala furfuray cabsida Shabaab. Waxa uu sheegay in sideedaba, qofka goorta uu dhimanayo uusan sinnaba uga dabammarayn. 

Kolkaa haddii ay kuu qoran tahay in Shabaab ku dilaan, si walba ugama badbaadaysid; arrimahooda ka aamustayaa, canshuur bixisayaa, iyaga ku biirtayaa, xattaa Aasaasahooda kamid noqotayaa! Ibraahin Afgaan, waxa uu kamid ahaa Aasaasayaasha Alshabaab, haddane gacantooda ayuu ku baxay!

Waxaa kale oo uu sheegay, kuwa canshuurta bixiya ee u maleeya inay ka badbaadayaan; in Shabaab lacagta ay siiyaan inay ku soo iibsadaan xabadda iyo qaraxa ay berri ku dhimandoonaan!

Fiiro: Waa qurubyar, yar, yar, oo kamida Waraysiga iyo wixii iiga baxay. Waxaan qof walba oo sadarkan soo gaara ku dhiirigelinayaa inuu labada qaybood boqol jeer iyo dheeraadba soo daawado. Mahadsanidiin.

W/Q: Aw Dacar



Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!