Ayaandarradii Kuraynimowday!
Duhur ay Cadceedu dhakada dadka shiilayso ayay ahayd. Waxaad moodaa dhoollatus Jahannamo, kulka jiro awgii. Luuq si u foolxun oo si habqana qashin u filiqsan yihiin ayaan uga leexday mid yara dhaama. Ujeedkaygu, Milicdan daran luuqyada kaga sii gambo ayuu ahaa, balse hanfiga iyo hurka daran ee uu qashinku soo butaacayo ayaa beddelay oo dhanka Waddada weyn ayaan u jihaystay.
Kolka aan ka soo dhammaaday luuqyadii, oo aan ku soo dhacay Waddo yara waasica, oo aan ahayn tii weyneyd ayaa halka ay Waddada ku dhamaato iiga muuqday hummaag hor fadhiya guri uu albaabkiisu badh-furan yahay. Hummaag Aadane ayuu ahaa. Si wacan uma sixi karin oo dhaandabaggaale ayaa ii muuqday. Waxa ayna iila ekayd sidii oo uu biyo dhex fadhiyo.
Waxaan ilbiriqsigaa isa su'aalay, xilligan, Qorraxda aadka u kulul qofka halkaa fadhiya, iyo waxa uu ka hayo. Sidii oo aan labadaa su'aal, jawaab helistooda u xiisaynayo ayaan tallaabadii dheereeyay.
Waxa aan marba laxaadsado, hummaagiina sidii hore iiga soo dhawaado, dhaandabaggaalihiina baabba'o, ugu dambayn waxaa si waafiya iigu muuqday hummaagii, cidda uu yahay, iyo waxa uu xilligan kulul meesha ka hayo.
Kuray ayuu ahaa, ama se ka yaraa. Si foolxun ayuu sagxadda aadka u kulul ee marmarka ama mutuleelka albaabka weyn ka horraysa u fadhiyay. Dharkiisa dhinac walba ka tartarriiqan, ee wada uskaysan, diifta daran ee ka muuqata, dubkiisa madaw ee engegen ee ay Qorraxduna sii dubanaysa, Koodadka Wejigiisa ka soo fiiqfiiqan, labada indhood ee gunta fog ee qadaadka madaxiisa ka soo ganan, sidii qumay quruumo hore la rogay, oo si mucjisa uga haray, halka uu sida qaabka daran u barraaqsan yahay, iyo neeftuurka kulul ee afkiisa ka soo baxaysa, kolka aad isu gayso, waxaa kuu soo baxaysa; Ayaandarradii oo Kuray iska soo dhigtay.
Bac yar ama boorso wax aan u kala garanwaayay oo sidiisa u Ayaandarran ayaa dhinac taallay. Tiro Kabo ah oo kuwa; Dumar, Carruur iyo Oday isugu jiray ayaa horyiillay. Agabka wax lagu Casaynayay ayuuna gacmaha ku hayay, oo Kab Haweeney ayuu kolkaa baalashayay.
Sida aan markaa u fahmay; Casayluhu Waddadan ayuu marayay, deedna Carruurta ama Haweeneyda ayaa aragtay oo u yeertay si uu tiro Kabo ah ugu baalasheeyo. Dabcan in ay gudaha geliso waa ay awooday, balse waa ay ka wiswistay, oo u quuriwayday hooska iyo hoygeeda. Deedna sagxadda albaabka ka horraysa ee marmarka ama mutuleelka ah ee ay fallaaraha Qorraxdu sidii danabkii ugu soo hoobanayaaan ugu daadisay Kabihii, si uu halkaa ugu Caseeyo.
Daqiiqadda iyadaa ah ee aan sidaa wax u fasirtay, wadcigii iyo waaqica ii muuqdayna ay ii maragfureen, Ogaalkaygii yaraa ee koobnaa ayaan nacladay. Weliba sidii istiqfaartii ayaan ku celceliyay!
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment