Ayaandarran!
Qiyaastii waa siddeed ama sagaal jir. Ama waxa aynu ku afgobaad iyo koobi karnaa; Waa Foodley. Waxa ay dhextaagan tahay xad. Xadku ma aha, midkii aynu naqaannay ee u dhexeeyay labo deegaan ama degmo ama gobol amaba waddan. Taa beddelkeeda, waxa ay si anfariir leh u dhex-qotansan tahay xadka labada duni ee kala ah; Dunida Nolosha iyo Dunida Qubuuraha.
Dunida hore si shil ah oo yaab leh ayay ku soo gashay. Waxa ay u badan tahay, in labo sabool ah oo dareenkooda-shahwadeed si kasta oo kale uu u gubay, deedna caaddifadooda-shahwadeed caqli iyo maarayn ku dariwaayay, oo inta qol madow si xilkasnimo la'aana isula galeen, deedna sariirta dusheeda iyaga oo qaaqaawan sagaashan daqiiqo si la yaqaano iyo si aan la aqoonba ay isugu harraadbaxeen.
Ciyaartaa sagaashanka daqiiqo socotay iyo sagaalkeeda sikin ee biyabbax ahayd, waxaa ka dhashay sagaaljirtan ay qorraxda iyo waayuhuba xadka labadaa duni ku dhex-dubanayaan, iyaga oo weliba haddii la doono ula baxay, magaca; Ayaandarran.
Dunida dambe oo ay diimaha qaar ku sheegaan buundo looga gudbo duni kale oo saddexaad oo abadi ah oo walaaceeda iyo wacnaanteeda leh ayaa u muuqata, in iyadane si shil ah oo yaab leh ay ku gali doonto.
Goor aan la aqoon, goob aan la aqoon, iyo cid aan la aqoon ayaa si aan la aqoon nafta uga siibi doonta jirka sagaaljirtaa oo waahoreba uu waayuhu duxdii iyo nasiibkiiba qaab nacladan uga leefay, oo weliba dubkii iyo lafihiina ay fallaaraha cadceeddu sii fananayeen inta uu mawdka uga imaanayay.
Dhab ahaan, uma garanayo waxa sagaaljirtan halkaa dhigay. Se, Qubuurta ka dambaysa waxa ay astaan u tahay hoogga iyo halaagga ay soo martay. Buulashaa ka sii dambeeya Qubuurtane, waxa ay ka dhigan tahay baabka ay dunidan ka soo gashay, iyo barta ay iminka deggen tahay.
Sida cagacadka ee anfariirka iyo argaggax leh ee ay u qotonsan tahay oo ay weliba uga sii jeedo hoygeeda nasiibkadarran iyo deriskeeda wada meydadka ah, waxa ay muujinaysaa, in ay baxsad tahay oo ay wax uun; rejo ama nolol ah bidhaansanayso, se hugunka iyo ceeryaamada ayaandarradu, ay kaga sii dhex-libdhayaan rejadii iyo noloshiiba.
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment