Buntuq Iyo Kitaar.


Sheekhof! Saaxiibkayow! Sida muuqata dhankooda ayaad aaday. Hadalladii ay ku dhaheen ayaad u iilatay. Siday ku fareen ayaad samaysay, oo ku saameeyay. "Nolol iyo geeri" mid dooro ayay ku dhaheen. Wedka ayay kuu suure-xumeeyeen, isaga oo awelba sawir argaggax iyo aragti foolxun laga haystay. Musiibo ay kuwa ayaan-ka-daran oo kaliya ku habsato ayay Wedka kuugu tilmaameen. 

Buntuqa oo ay dhabbihii musiibada kuugu sheegeen ayay kuu barbardhigeen Kitaarka. Astaanta nolosha, nabadda, naruurada iyo koosaarteedii ayay Kitaarkii kuugu qeexeen, deedna waa adigaa ku haliilay Kitaarkii ee Qorigiina ka jeesaday.

Hagaag! 

Waxyar Saaxiibkayow waxyar. Miyaad ka warhaysaa inay jiri karaan ama jiraan duul ay nabaddu dhibto, naruuradane ku diiqooda. Haddaad ubaxa iyo caraftiisa sanka la raacdo, iyaga waxa ay la raacaan urta daran ee baaruuda. Haddaad cagaarka iyo doogga ku indha doogsato, iyaga midabka casaanka iyo boorka ka dhasha gawaarida dagaal ee lallaysa ayay ku indho doogsadaan. Haddii sharaabkaadu fiimto yahay, iyagane waa u dhiiga dadka. Dharkaagu, haddii xariirta jilicsan iyo midabbada jeegaantu uu ka samaysan yihiin, iyagu waa u kaakiga iyo midabbada aysan indhuhu jeclaysan.

Haddii aad miyuusiga ku jaasto, iyagane riinka rasaasta ayay ku jaasaan. Haddii aad macaansato faraha cuddoon ee xarkaha Kitaarka sida wacan ugu dhacaya, ee ka dhalanaya dhawaqa shaamareerka lihi, deedna aad si niyada "Aaaaah!" u dhahayso, iyaguna kolka murdisada lagu riixo riishada qoriga, deedna dhuunta madow ee dheer ay xabbadu ka soo faroodo, dhawaqa daran ee yeera iyo midka hoose ee ka dhasha fooqa qiiqaya ee dhulka ku sii dhacaya ayaa u ah dhawaq miyuusigeed iyo laxan yaab leh oo ay niyada "Aaaaah!" kaga yiraahdaan.

Farxaddu waa ay kala didaan, oo jirka ayaa dubaaxa kolka ay dheehdaan wejiyada barbaarta iyo gashaatimooyinka laba-labada iskula socda ee dhoollacadaynaya. 

Bal suurayso Saaxiibkayow adiga oo gacalladaada cuud ugu tumaya beer aad u qurux badan oo ay ku soo dul istaageen duulkii farxaddu dhibaysay. Kitaar waxa aan ahayn oo aad haysato ma laha. Ma jirto wax kale oo aad isku difaacdo, oo aan ka ahayn Kitaarka dhabta kuu saaran. Haddaba waa muhiim Buntuqa sida uu Kitaarkuba muhiim u yahay. Baro sida loo rido, oo mutacallin ku noqo, sida aad Kitaarkuba u jeceshahay inaad mutacallin ku noqoto.

Saaxiibkayow! Sida aad u rabto in dhawaqa Kitaarka uu u dhex-jibaaxo nafta, oo duunka ruuxda iyo dareennada qofka isaga kala gudbo, oo fasax ka qaato kadeedka dunidan, ayay muhiim u tahay in rasaastuna dhex-jibaaxdo jirka duulkaasi, oo ay isaga kala gudubto xididdada iyo halbawlayaasha, oo kolkaa fasax iyo hurdo dheer oo aan ka soo laabasho lahayn ay kaga ambabaxaan dunidan. 

Labadaada gacan waxay marag u yihiin inaadan dheelliyin ee aad dhamaystiranto. Ugu yaraan aad jisho. Haddii uu mudnaanta Kitaarka oo kaliya lahaan lahaa, waxa aad yeelan lahayd gacan qura. Balse waxa aad lee dahay labo gacan ee kuwada qaado Buntuqa iyo Kitaarkuba. 


W/Q: Aw Dacar



Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Kamkamkii Kalluunka!

Waraysigii Sanyare | Faallo.