Gelbiskii Geerida!
Waxyar kahor inta aanu jawiga miyuusigoobin wax walba caadi ayay ahaayeen, sida dabiiciga ahayd. Qunyarkiisii ayuu dagaalka isaga socday, sidii lagu yaqaanay. Nafo badan hoygoodii dahsoonaa ayay u hoyanayeen, iyaga oo midab casuusa lagu gelbinayo. Goobtuna, waxaad moodaysay in Webi dhiigga uu kusoo fatahmay. Qaarbaa warmo laga taagayay, qaarne seefo ayaa kurka looga gurayay, qaarne leebab ayaa laabta laga surayay. Kuwaa dambe ee dadka laabta ka abbaarayay ayaan se kamid ahaa.
Leeb iyo qaanso ayuu ahaa hubka dagaal-galkaygu, balse seefta ayaan kaga mutacallinsanaa oo aan caashaqsanaa. Waayo, waxa aan weligay jeclaa inaan qaato neefta ugu dambaysa ee ka soo baxaysa afka ninka aan seefta caloosha kaga dooxay.
Waxaan ogahay in isaga aysan neeftaa ikhtiyaarkiisa kaga soo bixin, ee uu wedka si khasaba kaga soo saaray. Waana kulan barakaysan oo aan malakulmawtka la yeelan karo, kolka uu intii ugu dambaysay ee nafta sidaa uga dhufto, deedna uu samada ula duuli rabo, ninkii aan dooxayna isaga oo meyd ah uu legga iyo laabta iiga soo dhaco. Ilbiriqsigaa uu duulayo waxa aan dushayda iyo garbahayga ka dareemaa culays daran, shaki la'aan waa isaga, kii nafta qaadayay!
Sababta aan maanta leeb iyo qaanso ugu dagaal galay waa adiga awgaa. Inaan laabaha fardooleyda aan fallaarahayga ka suro adiga ayaa sabab u ah gacalladaydaay. Waayo qalbigayga oo aad moodo jabad waahore laga guuray ayaad u timid, deedna deegaamaysay. Dhir kala nooca iyo Ubaxyo kala jaad ah ayaad ku beertay. Roobkii kalgacalka ee markiiba sida isdaba jooga u da'ayna galal xareedeed oo waaweyn ayaad u samaysay.
Balse Gacalladaydaay intaa kadib maxaad samaysay?! Kol qura ayaad iska dhaqaajisay! Sidii haadii ayaad haw u tiri, oo jaan iyo cirib meel aad dhigtay lagu waayay! Abaar nacladan ayaa deegaankii dhinac waliba uga timid. Dabaylo naareed ayaa hawadiiba la wareegay. Intay hufadii holaceeda si arxan daran wajiga iyo haragii oogada iiga dahaarnaa ay iga diirtay, ayaa hilibkii iyo lafahii soo haray ee isa surnaane iga leeftay, oo qurub qurub u qulaamisay. Mar kaliya ayay meeshiiba isu beddashay keyn gubatay. Kolka si loo eego, deegaankii qalbigayga wuxuuba u ekaaday arartii iyo hordhacii cadaabta.
Gacalladaydaay sababtaa ayaan leebkani u qaatay, oo aan u daloolinayaa laabaha dagaalyahannada ee iga soo horjeeda, aniga oo ku indho-doogsanayo dhiigga wadnahooda ka qulqulayo.
Maanta se aniga oo sidii caadada ahayd dagaal ku jira oo laabaha dagaalyahannada ugaarsanaya ayaan si kadis u maqlay danan fardeed oo gadaashayda kasoo kaynaansan. Dib ayaan u eegay, mise waaba faras si xarrage leh u afarqaadlaynaya. Midabka faraska ee bunniga ah iyo waxaa isku mid ahaa midabka cambuurka ee aad jeclaan jirtay xirashadiisa.
Sidaadii ayaad xusuustaydii dhatalaq kusoo tiri. Sida uu faraska u dheeraynayo, timaha dhaadheer ee jilicsanne ay dabayshu sida xawliga u babbinayso, iyo sida dagaalyahanka faraska saaran ee seefta dhiigaysa ay u gurayso kurarka dagaalyahannada kale ee dhulka ka dagaalamaya, waxa ay isoo xusuusisay maalintii aad beer-ubaxeedka dhex ordaysay, oo ay dabayshu timahaadii jilicsanaa ay ciyaarsiinaysay, ee intaad gacmahaagii cillaamanaa labada dhan u taagtay aad Ubaxa kugu hareersan madaxooda si kalgacal leh ugu salaaxaysay.
Fardafuulkii wacnaa ee boqolaalka kur soo gooyay iyo faraskiisii afarqaadlaynayay ayaa isoo gaaray, oo markan dhankayga usoo baaciyay seeftii uu boqolaal nafood ugu diray hoygoodii dahsoonaa. Waan ka gambaday, mise seefta i dul maraysaba waxa aan ka dhex arkay muuqaal ashqaraar leh. Hummaagaadii ayaa toos iiga dhex-muuqday seefta dagaalyahanka ah ee walalaclaynaysay ee dhiigga sida Webiga uga qulqulayay.
Waxaan u fahmay adiga oo jooga deegaan uu dooggiisu casuus yahay, islamarkaana aad eegayso qorraxda sii dhacaysa iyo midabka dhiinka ah ee ay cirka ku xaradhay. Dhabtii waxa aan jeclaystay in aysan seefta iga dul dhaqaaqin amaba ay kurka iga goyso, si deegaankaa aan kuugu imaado.
Faraskii oo xawli ku socday awgii horay ayuu u socdaalay, oo dagaalyahankii ayaa kurka ka jaray ninkii igu xigay. Alla kaasi nasiib badanaa! Waxa uu u ambabbaxay deegaankaagii gacalladaydaay, oo haddane masayr badanaa. Xanaaqii aan ka qaaday ninkaa waxa aan saddex fallaar oo degdeg ah aan jirkiisa ka dhex suray dagaalyahankii geesiga ahaa ee saaxiibadayda tarab tarab u laayay.
Markiiba faraskii muddaba goobta dagaalka ku xarragoonayay, isaga oo afarqaadlaynaya ayaa uu dhooqadii dhulka daadsanayd afka daray, oo geesigii ayaa galxareedeed hoortiisa ah beer-beer ugu dhacay. Waan soo orday oo aan dul imid daqiiqadihiisii u dambeeyay ee qudh-bixidda ahayd. Way ila ahaan wayday geesiga aan seeftiisa kaa dhex-arkay, oo aan faraskiisa kugu soo xusuustay inaan iska dul-taagnaado.
Markiiba gitaarkaygii aan sida qaansada garabka iigu surnaa, ee aanan iska dhiginba ayaan garabka kasoo dajiyay. Si qabow oo aayara ayaan xarkaha gitaarka u garaacay. Dhawaq ashqaraar leh iyo billow laxan yaab leh ayaa yeermay. Waxaan eegay gal-xareedka ee uu geesigii dhex-warnaa, mise dhaqsaba biyihii way midab doorsoomeen, oo wada dhiin iyo dhiig ayay noqdeen. Waxaan xusuustay deegaankii kol-dhawayd aad joogtay ee dhirtiisa wada casuuska ahaayeen. Kaliya waxaa ka dhinnaa balligan ay biyihiisu wada dhiiga noqdeen.
Gacalladaydaay, markii ugu horraysay muddo kadib hayaankaagii waxa aan dareemay jawi barakaysan oo macaan. Waxa aana ku dhuftay Heestii aad jeclayd, aniga oo ku luuqaynaya oo madaxa kolba dhan u lulaya, jeer uu geesigii dhaqdhaqaaq daran uu biyaha wada dhiigga ah ku dhex-sameeyay.
Rafashadiisa, taahiisa, huganka laabtiisa iyo neefta sida fooshaxun uga gurmaysa waxa ay ii ahaayeen balee-baag hoose oo ka sii dambeeyay miyuusiga uu gitaarka samaynayay. Runtiina waxa uuba qurxiyay heesta iyo miyuusigeeda. Waxaadba moodaa gelbiskii aan u samaynayay inuuba isaga qayb ka yahay. Waxaan ahaa mid garaacayay gitaarka oon garaacayay xarkihiisa, isagane nafta ayaa ka gurmaysay, .....garaacayay, ka gurmaysay, garaacayay, ka gurmaysay, illaa uu kol qudha dhaqaaq joojiyay, farahayguna ay istaageen.
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment