Dhambaalkii Ciida
Ka: Aw Dacar
Ku: ...............
Intaa kadib, waxaa soo idlaatay bishii soon. Waxaan liqnay, oo aan daadajinnay soddon maalmood oo afxir ah. Waa soddon dharaarood oo aan kabasho, iyo dhadhamin midna aanu jirin. Waa soddon maalmood oo waxyaabaha qaar ay isweydaarteen. Si kale, waa bishii isweydaarashada.
Mu'miniintii ayaa ka yaabtay salaad badnida munaafaqiinta, iyo ictikaafkoodii. Dhawrsanayaashii ayaa ka fajacay eedaabta dhillooyinka, iyo anshaxoodii. Qurraa'dii ayaa la ashqaraartay cod macaanida kitaab-xoorayaasha, iyo tajwiidkoodii. Deeqsiyaashii ayaa ka amakaakay wax-bixinta bakhaylada iyo sadaqadoodii. Runleydii ayaa ka dhakafaartay xaqiiq-sheegidda beenaalayaasha iyo hubanti-u-hadalkoodii.
Si kale. Waxaa dhamaatay bishii beerxanuunka iyo barakada. Aaheey Gacalladaydaay! Bal suurayso safrada iyo harraadka daran ee aad dareemaysay maalmihii koobnaa, masaakiinta uu nolol maalmeedkoodu sidaa yahay. Weliba, adiga se waxaad filanaysaa affur iidaansan, iyo inay bisha dhamaanayso, halka iyagane wax ay filanayaan aysan jirin.
Kala xanuun badan calool baahan, se og inay cuntayn doonto, iyo tu aan filashada iyo suuraggalnimadaba ugu jirin.
Bal suurayso xaalka derbi-jiifta, iyo kuwa noloshooda aadka u liita, ee ku noolaa hambada hoteellada iyo reebreebka maqaaxiyaha, marka soonka la galo, ee goob walba la xidho. Suurayso, oo suurayso xaalka soddonkaa dharaarood ee ay ku sugnaayeen.
Waxaa jirtay ama jiray maamooyin wareejiya waxyaabaha yaryarka ee macmacaanka ah, sida; buskudka, sisinta, kashaatada, burka, buskudlawska, iyo saloolka. Gacmahooda ayay ku soo samayn jireen, oo soo qaadi jireen, oo badhtanka laamiga iyo qorraxda isa soo qotomin jireen. Bas iyo baabuurkii soo dhinac istaagaba, iyo qof walba oo soo agmara waxa ay ka filan jireen inay wax uun ka iibsadaan.
Balse, sidii oo aan loo jeedin, ama meesha uuba noole taagnayn ayaa la iska dhaafi jiray, oo la dhinac mari jiray. Waxaa suuraggal ahayd iyaga oo waayeel ah ama ka agdhow inay maalintii oo idil halkaa taagnaadaan, oo ay qorraxda ku dulqabowdo. Haddii ay u badato hal ama labo doollar ayay la dheelman jireen, oo carruurtooda iyo noloshoodaba quud u ahaa. Suurayso, oo ii suurayso xaalka maamooyinkaa bisha soon.
Aaah! Iga raalli noqo. Iga raalli noqo Gacalladaydaay. Ma ahayn inaan dhinacaa wax kaa tusiyo. In aan xagashaa isa soo taago. In sidaa aan wax kuugu dhigo. In aan qaabkaa wax u sheego, weliba aniga oo kuu soo dirayo dhambaal aan ku sheegay- kii ciida! Ma ahayn dunidaa madow ee mooralka iyo miyirka xun inaan daaqadeeda kugu furo. Kaa xiray, oo daaqadaa labadeeda daraf isugu dhuftay. Qam! Bal tu kale aan furo, oon kuu furo Gacalladaydaay.
Dhabtii, waxaad tahay shakhsiyad xariira oo ay dul-heehaabayso daruurtii mucjisada. Shakhsiyad aan la ashqaraaray, oo aan la dhacay. Qorqornaanta jidhkaaga iyo sida uu isugu sidkan yahay, waxaaba ka daran ruuxda cajiibka ah ee kugu dhex-jirta. Waa ruux iyadane cajaa'ibteeda wadata. Adiga oo sooman, noole soomanne waxa uu dareemi lahaa, dareensan, oo jiko iyo affur karin ku jira ayaad haddane naftan harraadan ee dabkuba goorhore ka tagay baad hadalkaaga debecsan iyo ereyadaada macaan ku haqabtiri jirtay.
Jidhka oo kaliya kama aan soomanayn, ee ruuxdane waa ay soomanayd. Haddii jidhka uu cunno iyo cabitaan ka soomanaa, ruuxdane dhaayahaaga iyo dhagaysigaada ayay ka soomanayd. Boqol jeer ayaan go'aansan jiray inaan ku soo waco, hadane xusuusan jiray in uu jiro culays iyo mashquul intii hore ka badan. Inaad tahay curaddii reerka iyo mida kaliya ee ugu cunno macaan ayaa qorshaha iigu jirtay. Inuu reerku u codeeyay cunno aan taada ahayn inaysan ku affurin ayaa iyadane qorshaha iigu jirtay.
Sababtaa ayaana kaaga yareeyay wicitaanadii, illaa aad isoo wacdo mooyee. Gacalladaydaay, labo goor ayaan affuri jiray. Waa Eedaanka salaada makhrib iyo maqlidda weedhahaadii debecsanaa. Tan hore jidhka ayaa ku qaboobi jiray oo ku affuri jiray. Tan dambane ruuxda ayaa ku dagi jirtay oo ku affuri jirtay.
Waxaan xusuustaa sida aad ii xasilisay, maalin aniga oo sooman aan suuq aaday, ee aan kusoo jahwareeray, kuna soo jirraday. Maalinkaa, ereyadaadii macaanaa waxay kala furfureen xarkihii ku giigsanaa murqihii iyo xubnihii daalka iyo diifta ka muuqday. Kelmadahaagii debecsanaa waxay dejiyeen maankii maalintaa ee saxmadii suuqa kusoo dayoobay.
Sida uu jawiga iiga qasnaa, iyo sida aysan ilbiriqsi kaaga qaadan inaad caadi iyo caalimkiisaba ku soo celiso ayaa ah; wax aan sinnaba u illoobi karin. Dhabtii hadiyad uu Eebbe i siiyay, iyo dheeman ay naadir tahay heliddeeda ayaad iila mid tahay. Kolalka ay iga wareerto, kaliya taswiirtaada unbaan eegaa. Waxa aan isa su'aalaa waxa iyo sababta aan kugu mutaystay, oo aan kugu helay. Malaha doqon ayaan ahay! Illeen nolosha doqomada ayay wax siisaa'e!
Iyaga oo ii dhow, oo yulan iyo buuq agtayda ka jiro ayaan cidlo dareemi jiray, se adiga oo iga fog ayaa i dareensiin jiray wehel iyo la jir. Iyada oo uu busto i saaran yahay ayaan dhuuxa ka dhaxamoon jiray, se ereyadaada diirran ee aad kiilo-mitirrada iiga soo xawili jirtay ayaa hu', dugaal iyo dugsiba iiga noqon jiray dhaxanta, dhuuxane dhalaalin jiray.
Waan ka xumahay! Waxa aan ka xumahay in aynan isku meel joogin. In aynan isku meel ku iidayn, ku dalxiisayn, kuna damaashaadayn. Hadane meelna kala ma jirno. Waayo, adiga ayaan kugu dhexnoolahay, adigune aniga ayaad igu dhexnooshahay. Si kastaba ha ahaatee, waxa aad ii tahay hadiyad iyo xuural-cayntii iga kaafin lahayd dhiggeedii jannada la iigu sheegay.
Ciid! Ciid Wanaagsan Gacalladaydaay! Firfircooni ku damaashaad, oo ku daansho-daanshood Farxadaydaay!
Comments
Post a Comment