Dumar Iyo Jacayl.

Haweenku waa noole yaab leh! Waxay ku nool-yihiin duni diimaha oo dhammi ay rag la yimaadeen. Dawladaha oo idilna ay rag dhisteen. Xeerarkii iyo qawaaniintiina ay rag dajiyeen. Manaahijtii waxbarashada iyo nidaamyadii kale ee noloshane ay rag qaabeeyeen. Dhibaatooyin jidheed iyo mid ruux ahaaneedna loo geystay. Nooc walba oo noloshan loogu isticmaali karayna, loogu adeegsaday. Si walba oo laga yeelan karo, lagu sameeyay. Haddane waxaa oo idil waa kasoo gudbeen, oo ka badbaadeen! 

Waxay sheegaan in baranbarada meel walba oo Aadane joogo, ay joogto. Oo waxaa la yiraahdaa "Halka baranbaro lagu arko, Aadane lagu arag, halka Aadane lagu arkane, baranbaro lagu arag" Sababta waxaa lagu sheegaa sida uu Insaanku ula qabsan karo cimilo walba iyo deegaan kasta inay baranbaraduna ula qabsan karto. Sidaa oo ay tahay Aadanaha waxa uu isku dayay bahashaa baranbarada ahi, inuu dabar-gooyo, balse waa ay suuroobi wayday. Isla sidaa oo kale ayaa la isku dayay in la dabar gooyo dumarka, waa se dhici weyday!

Yeelkee. Waxaa la yiraahdaa: Kaydka taariikhda waxaa laga heli karaa rag isu dilay ama u dhintay jacayl, balse lama helayo dumar u dhintay ama isu dilay jacayl awgii. Sidaa darteed haweenku si kasta oo ay u jecelyihiin cidda ay markaa wada socdaan, marnaba jacaylkooda ma gaarsiisna heer ay u dhintaan ama isu dilaan. Madax meel ka saraysa oo qofka laga taabto ma jiraan. Isla sidaa oo kale waxa ugu dambeeya oo aan waxba ka dambayn oo uu qof kuu huri karo waa naftiisa oo uu kuu gooyo. Yacnii dartaa isu dilo ama u dhinto.

Labada arrin ee kor ku xusan way isbarkan yihiin oo gogol qudha ayay ka soo wada kacaan. Balse su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah; Qofka inuu dartaa u dhinto ma tahay waxa ugu dambeeya ee aan wax ka dambaynin ee uu kuu huri karo?! Jawaabta su'aasha intaynan u gudbin aynu arrin yar is hordhigno.

Xabsiyada noloshu waa ay fara badan yihiin. Waxaa jira qaar aan sinna looga bixi karin. Xabsiyadaas waxaa ugu weyn; Xabsiga Sharafta iyo Sumcada. Bulshada oo dhan ayaa ku jirta xabsigaas, haddii aad ka baxdidna bulshada oo dhan ayaad ka dhex baxaysaa. 

Waxaa jira hal-hays ay bulshadu leedahay oo oranaya: “Qofku waa shaarkiisa ama sumcaddiisa” Haddii uu shaarkiisu wasakhoobo nolol u hartay ma ay jirto, waxa u haray waa in uu dhinto. Sidaas awgeed ayaa uu qof waliba u caabudaa sumcaddiisa iyo sharaftiisa, si uusan u caabudin Eebihii isaga abuurtay. Isla sidaa oo kale ayuu qofka u dhawraa sharafkiisa iyo sumacadiisa, si uusan u dhawrin qawaaniinta iyo xeerarka diinta uu markaa aaminsan yahay. 

Aan usoo laabano jawaabta su'aashii ina hor tiillay. Waxaa muuqata in aysan marnaba noqonayn waxa ugu dambeeya ee qofi kuu huri kara yahay inuu isu kaa dilo ee ay weli wax dambeeyaan. Taasi oo ah Sharaf! Waa ay adag tahay in qofi kuu huro sharaftiisa. Qofka inuu kuu huro naftiisa ama maalkiisa waa ay fududahay, laakiin sharaftiisa inuu kuu huro waa ay adag tahay. Haddii uu kuu huro waxay ka dhigan tahay bulshadii ayuu ka dhex baxayaa. Inuu bulshada ka dhex baxo oo sharaftiisa kuu huro ayaa uga fudud inuu dunidan ka dhex baxo oo naftiisa kuu huro!

Nolosha oo dhammi waxay wax ku tahay waa sharaf iyo sumcad. Haddii aysan sharaf jirin, nololi ma jirto. Geeridu waa marin la wada marayo, oo lagama baaqan karo. Qof walba ayaana dil-toogasho ku xukuman. Isdil ama ha isdilin, kii dhinto ayaa tahay. Ammaa sharaf-dhaca cid loo qoray iyo waddo lagu qasban yahay marinkeeda ma aha, ee waa wax la galo ama lagu geliyo. Kolkaa waxaan dhihi karnaa; qofka waxa ugu dambeeya oo uu kuu huri karo waa sharaftiisa, waxa xigane waa naftiisa oo uu kuu gooyo. 

Haddaba ubucda dooddayda aan u daadago. Waxaa jiro gashaantimooyin ay barbaaradii xidhiidhka jacayl wadaagayeen u kala qaaday lugahoodii. Deetane kolkii laga adeegtay ee laga dangaaray ee ay uuraysateen lagu inkiray. Halkaasna ay sharaftoodii iyo sumcadoodii ku waayeen, oo bulshadii sidaa uga dhexbaxay. Walow ay jiraan qaar ka dabaashay musiibada haleeshay, haddane waxaa la heli karaa qaar badan oo ay dooniidii sharafta kula degtay badweyntii sharafxumada, deedna ku haftay oo sidaa noloshoodii ku aasantay, ama isdilay oo u adkeysan waayay sumcad darrada ku habsatay. 

Sharafta gabadha ama gashaantidu waa bikradeeda iyo waxa dhexda labadeeda lugood ku jira ayaa la yiraahdaa. Sidaa awgeed waxaa la heli karaa boqolaal iyo boqolaal gashaantimo ah oo sharaftoodii u huray jacayl dartii, balse lama helayo ama waa faro-ku-tiris barbaaro sharafkooda u huray jacayl aawadii.

Haddaba, sida loogu qadariyo ragga "U dhimashada jacaylkooda" oo loo yiraahdo, waxaa jira rag u dhintay jacayl awgii, soo ma ahayn in loogu qaddariyo dumarka "U kala qaadidda lugaha jacaylkooda" oo kolkaa la yiraahdo, waxaa jiro dumar sharaftoodii u huray jacayl aawadii! Wa Billaahi Tawfiiq.

W/Q: Aw Dacar



Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!