Dunida Ogaalka Iyo Ogaal La'aanta.
Labadan noole ee sawirka ka muuqda isku mooral ma aha, isku jawina kuma jiraan. Sababtu waa inay laba duni ku kala nool yihiin; Dunida Carruurnimada iyo Dunida Hooyanimad. Si kale haddaan u dhigno, waxa ay ku kala noolyihiin, Dunida Ogaalka iyo Ogaal la'aanta.
Hooyadu waxa ay maxbuus ku tahay oo ay ku dhex silsiladaysan tahay dunida Ogaalka. Waxa ay ogtahay waxa dalkeeda Yukreen ka dhacay. Waxa ay fahamsan tahay xaalka ku hareersan iyo waxa uu qaddarka la maaggan yahay. Waxa ay qiyaasanaysaa hubanti la'aanta timaaddada ee ay ku sii socoto. Waxa ay aragtaa in ay haawanayso waddadeeda mustaqbal oo aysan heli karin wax u miciina.
Waxa ay istusinaysaa sheekooyin iyo dhacdooyin dal burbursan iyo qaxooti ku saabsan oo ay in badan telefeshanka ka daawan jirtay oo ay maanta si dhab ah u wajahayso. Waa sababta ay u murugsan tahay, waa sababta ay u mooralxun tahay. Waa sababta ay u maahsan tahay. Waayo, waxbay ogtahay oo dunida Ogaalkay ku cadaaban tahay.
Noolaha kale ee yari ee taleefanka ku foogan waxa uu mabsuud ku yahay dunida Ogaal la'aanta ama ogaal yarida. Waxba ma oga. Ma fahamsana waxa hareeraha iyo foolka Hooyadii ka muuqda. Bal'e waa uu maqsuudsan yahay. Gurigii lagu celcelin jiray iyo madrasadii uu aadi jiray ayuu ka nasanayaa.
Hooyadii hadday firxad iyo orod u tahay, isaga fasax iyo tamashle ayay u tahay. Hooyadii hadday qax u tahay, isagu waa u dalxiis. Hooyadii hadday xaaladan cusub cabsi cabsi u tahay, isagu waa u cajaa'ib iyo shaamareer. Waana sababta uu isaga faraxsan yahay ee ayba ka hayso dadka khaa-khaayiran ee waddooyinka orod isu daba iyo hormaraya inuu dhex-boodo farxad awgeed! Waa sababta uu isaga maqsuudsan yahay ee taleefanka Hooyadii isaga falaadayo. Waayo, waxba ma oga.
Waxa kaliya ee dunida Ogaal la'aanta lagaga werwero waa gaajo iyo inaan la helin caano la cabo. Goorta ugu dhow ee uu fahmi karo dunida ay Hooyadii ku nooshahay iyo xaalka dhabta ah, waa marka sahaydii yarayd ay go'do, ee isagane gaajo daran qabato. Gaajadu waa xuduuda labadaa duni, halka sahayda ay tahay diillintii u dhaxaysay. Go'itaanka sahayduna waa dabayshii tirtiri lahayd diillintaa. Waa markaa marka ay labada duni isu furmayaan, ee noolaha yari si dhab ah wax u ogaandoono. Waa markaa marka uu dareemi doono murugada foolka Hooyadii ka muuqata. Waa markaa marka uu Hooyadii la makhuuranayo moolka murugada, oo ay iyadu goor hore ku hafatay.
Nin aan iminka magaciisa xusuusnayn ayaa laga hayay: "Sideedaba cidda kaliya ee sida dhabta ah dunida ugu raaxaysta, waa saddex noole uun; dhallaan, doqon iyo qofka waalan!" Saddexdan noole waxa ay ka siman yihiin, ku noolaanshaha dunida Ogaal la'aanta.
W/Q: @Aw Dacar
Comments
Post a Comment