Dejin Mise Kicin?!

Sidii qof dhuunta la hayo, ama xabeebi ku kacday ayuu codkeeda ciriiri daran, iyo cabursanaan laga dareemyay. Ma uusan ahayn mid nidaamsan, ee waa uu isku dhexyaacsanaa. Liibaan, si kasta oo uu dhegta taleefanka ugu nabay, codkane u dheereeyay, waxba se waa ka fahmi waayay waxa ay Laaca u sheegayso.

Waxa ay dirqi ku hadashaba, Liibaane "yaah" iyo "Maxaa tiri?" ku celceliyo, markaliya ayaa uu taleefankii go'ay. Waa uu ku celiyay, kama aysan qaban. Markale ayuu ku celiyay, kama aysan qaban. Waa uu wacaa, iyadane ma qabato. Ugu dambayn wicitaankii ayuu joojiyay, oo feker isla foofay.

Liibaan, waxa uu billaabay inuu isku aadisto ereyadii iyo hadalladii kala daadsanaa ee ay markii dhawayd ku oranaysay, si macne uu fahmi karo uga soo dhexsaarto. Inta uu midaa ka hawlgelin ayaa uu mid ku baraarugay. Farriin weyn ayaa uu ka dhex fahmay arrinkeeda; inay wax khaldan yihiin, oo ay dhex-yuururto xabsiga murugada, oo silsiladaha welwelka iyo walaaca ku giigsan yihiin ayuu istusay.

Se nooca murugada ee uu yahay ayaa uu garanwaayay. Waxa uu ka fekeray inuu hadalkeedii dib isugu nidaamiyo, si nooca walaaca haya, uu u fahmo. Haddane waxa uu istusay inaysan xilligan muhiim ahayn. Gargaar degdega iyo xal ku meelgaara inay u baahan tahay ayuu is hordhigay. Dhiigjoojin iyo caawin dhakhsiya in la la gaaro ayuu sidoo kale is hordhigay.

"Halka aad fadhido, ama aad jiifto ka kac. Ka bax qolkaagan cidlada ah. Uga tag taleefanka sariirta. Bannaanka u bax. Raadso biyo qabow. Kolka aad hesho, isqotomi inta itaalkaagu yahay. Sikimo neefqaado, oo indhaha isku qabo. Qunyar biyaha qabow u cab, oo qudhqudhi, illaa qabow daran aad laabta iyo luquntaada ka dareento. Waxyar tartiibi, tartiibi, tartiibi, oo si aayara oo u yara cab, si aad u maqasho jabaqda biyaha ay samaynayaan kolka ay dhuunta iyo laabta sida xarragada leh u dhex-jibaaxayaan. Dhig koobka ama galaaska aad biyaha ka cabtay. Reerka inta soo jeeda, ee cawaynaya dhexgal. Hadallo ku tuur, faduuli, oo yara daandaanso, oo sidaa kula cawee. Wa xoogaa kadibna kusoo laabo qolkaaga. Waan rajaynayaa inuu xaalkaaga iyo jawigaaguba caadigii kusoo laabanayo" Ayaa uu farriin ahaan ugu diray.

"Maba dhaqaaqi karo!" Ayay ugu soo jawaabtay. Belada cagaha ka heshay ayuu isweydiiyay. "Ma caado-wareerkii la sheegi jiray baa helay?!" Ayuu isa su'aalay, haddane in aanu dhakhtar ahayn, oo aysan waxaa lasoo doonanayn ayuu soo xusuustay. Waa uu fekeray, oo yara fallanqeeyay xalka xiga. Fekrad kale ayaa kusoo dhacday. Midaa ayuuna u bogay. Fariin kale oo tii hore ka dheer ayuu u diray.

Laaca waxa ay aqbashay fekradan iyo taladan kale ee uu keenay, una soo diray. Mid kamida kuwii ka yaryaraa ayay biyo u dirsatay. Waa ay u keeneen. Cabtay, oo qurqurisay. Weliba iyada oo fadhida, oo indhaha isku haysa. Sida uu Liibaan ku amray ayay taleefankii iska fogaysay. Qadqadaad ayay sariirtii ugu seexatay, sidii oo ay qalliin galayso. Lugaha ayay fidisay, oo kala yara fogaysay, sidii oo ay dhali rabto. Gacmaha ayay shafkeedii iyo labada naas ee ugubka ahaa qunyar u dul saartay. Indhaha ayay isku qabatay, oo neef dheer qaadatay. Markiiba madow daran iyo humaagyo kala geddisan ayaa u muuqday. Xusuuso tiro beel ah, iyo kuwo gacan ku rimis ah ayaa maankeeda soo buux dhaafiyay. Sidii lagu amray ayay kolqura xusuusahaa wada xannibtay.

Waxay khayaalsatay, iyada oo gabaldhac xeebta joogta. Isagane uu dhinac fadhiyo. Waa sida ay farriintii dheereed ku xusnayde' Baddu waa ay degenayd. Dabayshune waxay ahayd mid aayar u dhabanaysa. Ciidii cammuuda ahayd, ee ay salka ku hayeen waxay ahayd mid aan saxar iyo wasakh lahayn.

Maadaama galab gaabad tahay, xeebtu cidlo ayay ahayd. Bilicda jawiga degen, iyo quruxda badda ka muuqda ayay indhaha la raacday. Doomaha sida nidaamsan isu dhinacyaalla iyo midabka casaanka ee gabbaldhaca ka imaanayo, kuna dhacaysa dusha doomaha ayay la ashqaraartay. Hirarka sida degan isu laba-rogaya, iyo xumbada ay samaynayaan ayay sidoo kale la ashqaraartay. Shimbiraha sida xallada iyo xarragada leh badda u dul heehaabaya ayay la amakaagtay.

Sida fariintii ku xusnayd waa ay kacday, oo ay dhabtiisa ku fadhiisatay. Badhideeda ayay gumaarkiisa aayar u saartay. Waxbay yara dareentay, se ma badno. Waxa uu billaabay inuu soo qabto labadeeda gacmood ee bawdyadeeda dul saarnaa. Afartoodii gacmood oo isku maran ayuu si aayara shafkeeda u saaray. Dhanka laabtiisa ayuu ku soo nabay. Dhabarkeedii ayaa ku dhagay laabtiisii. Waa uu isku cadaadiyay, oo isku cadaadiyay, illaa ay mid noqdeen.

Qoortiisii ayuu kasoo ritay qoorteedii. Indhaha inay isku qabato ayuu ka codsaday. Markiiba udgoonka kalluun la shiilayo ayaa sankeedii ku saaqay. Neecawda qabow ee sida macaan jidhkeeda ugu dhacaysa ayay dareentay. Islaba rogga hirarka, iyo dhawaqa biyaha badda ayaa dhegaheedii si darandoorri ah ugu soo daba dhacay.

Markaliya ayay ka warheshay bishimihiisii qaboobaa oo dhegteeda midig usoo dhawaanaya. Si xanshaashaqa oo hoose ayuu ugu yiri: "Macaan! Macaan badan, waa aan ku jeclahay. Gacallo! Gacalladaydaay, waa aan ku jeclahay. Waxa aad tahay noloshaydii. Waxa aad tahay jeexaygii" Kadibna qaniinyo khafiif ah ayuu dhegta kaga qabtay. Haddane luqunta, kalxanta, iyo qadaadka ayuu dhunkasho macaan, iyo neef qabow ka la daalay. Sidii maskii ayuu qoortiisii, teedii ugu marmaray.

Gacmihiisii ku marnaa kuweedii oo dhabteeda wada yaallay ayuu kasoo furtay. Si aayara ayuu caloosha uga saaray. Shantuu ku ballaadhiyay oo xagga sare salaaxid ula soo kacay. Kolka uu sadriga soo gaaray ayuu gacmihii dhuubay oo dhexda labada naas ka dhexsaaray.

Kolka uu qoorta sii marinayo ayuu mid kamida gacmihii soo celiyay. Si aayara oo naxariisi biyo-dhigtay ayuu far iyo suul ugu qabtay ibtii madoobayd ee sida mudaca uga soo dhex taagnayd diraceedii bunniga ahaa. Waxa uu ahaa ibteedii bidix. Waxa uu billaabay sidii giraantii inuu u wareejiyo, marna u daliigo.

Gacantii kale waxa uu ka saaray qoorteeda. Waxa uuna billaabay inuu faraha fiidooda uu ku qotomiyo, deedna si aayar aayar ah ugu salaaxo oo qorta, kalxanta, dhuunta iyo qadaadkaba sidii kacbadii ugu dawaafiyo. Halka tii kalena uu ibta ku ciyaarsiinayo. Dibnihiisa qabowbaa ayuu sidoo kale qoorta ka saaray oo dhunkasho iyo dhihidda ereyo macaan oo debecsan isu raaciyay.

Laaca wax aad hillaac moodid ayaa ka kacay. Waxbaa dhex-rooray. Jiriricadii dhakada iyo lugaha ka billowday waxay isugu imaadeen ibteedii bidix ee sida giraanta loo wareejinayo. Kol kaliya ayay khayaalkii kasoo miiraabtay. Maryaha ayay isku urursatay. Awelba waxba ma aysan xirnayn'e, diraceedii ayay isku ururisay. Lugaha ayay soo laabatay, oo isku duwatay.

Sidii oo ay dhaxani haleeshay ayay gabigeedaba isduuduubtay, oo is gashay. Xaadii kacday ayay garanwayday tab ay u dajiso. Taleefankeedii ayay soo qabsatay. Waa ay wacday. 

Muddo kadib hadda ayay si hagaagsan oo la fahmi kara u hadashay. Muddo kadib hadda ayay sidii naag nool, oo nafi ku jirto, u hadashay. Muddo kadib hadda ayay sidii qof fayow, oo firfircoon u hadashay. 

"Waryaa Liibaan! Maxaad ka wadaa?!" Ayaa hadalkeeda ugu horreeyay. "Horta shafkayga maxaa lagaa siiyaa?!" ayay ku xijisay. "Waxaagu ma inaad xaaladayda dejisaa mise inaad kiciso?!" Ayay u raacisay. Waa runteed! Ma dejin baa mise kicin?!

W/Q: Aw Dacar




Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Kamkamkii Kalluunka!

Waraysigii Sanyare | Faallo.