Go'doon!
Sankii ayaa cuncunay. Dhawr jeer ayuu maraanmaray, deedna hindhisay. Hendhis! Hendhis! Waa kaa sanboorkii ku kacay. Waa kaa fiif iyo fuufta guray. Waxa uu si xoog leh duufka iyo dareeraha isaga siimiyaba, neerfa uu qabay ayaa ku kacay. Qandhay u gudubtay, oo qadhqadhyaa xigay. Waa kaa ilkihii isku garaacay. Waa kaa bawdyihii isla dhacay. Waa kaa bustihii haahaabtay. Waa kaa mijo illaa iyo madaxa ay wada gariireen, sidii oo ay koronto xoog leh haleeshay. Waa kaa luquntii iyo lawyihii isu keenay ee gebigiisaba bustaha isku duuduubay.
Qoysku, waa ay wada hurdaan oo iminka ayuun buu habeenkii sidii uu u luudayay saqdii dhexe madaxa la galay. Liibaan waa 19-jir ku dhex-xannuunsaday qol afar mitir ah oo ilays ka bakhtiisan yahay.
Laaca oo ay kala caraysnaayeen ayaa kedis kusoo wacday. Waa kaa taleefankii iska dhacaya, ee aan cidna qabanayn. Maadaama la kala caro-maqnaa, Laaca waxaa kaskeeda kub kusoo yiri, in Liibaan kas ugu dhagaysanayo. Laba kala bariday kala warla.
Nasiib wanaag inta uusan gu'in ama aysan jarin ayuu dirqi taleefankii ku qabtay. Waa kaa qufac, duuf, iyo gawso isgaraacaya ku salaamay ama kaga qaaday. Waa taa iyadii yaabtay oo weydiimo ay xaaladihiisa ku waraysanayso ku boobtay. Waa kaa hadallo hoose, oo ay wax ka fahmi weysay iyo qufac sare ugu jawaabay. Waa taa fahamtay in uusan xaalkiisu wacneyn. Wixii qufac, ereyo dhaxamaysan oo afgariiraya ka soo farodayaan iyo hadallo goosgoos ah la isugu weydiin iyo warcelinaayay-ba, ugu dambeyn Laaca ogaatay in dhawr xannuuno oo isku soo habar-wacday ay Liibaan isugu tageen.
Liibaan waxa uu si dirqi ugu shegay inuu rafaad rag u yahay, sidaa awgeed aysan welwelin ee ay iska seexato. Kolka uu caadi iyo caafimaadkiisa kusoo noqdane uu soo wicidoona. Laaca ayaa se ka diiday. "Hadii aadan hadli karin, iska aamu, aniga ayaa hadli oo kuu sheekayn. Xattaa hadii uu hadalba ku dhibayo aan isaga jiro khadka taleefanka" ayay hadalkiisii uu raggannimada ku muujinayay kaga horgaysay. Caga-jiid ayuu uga aqbalay.
Laaca wa xoogaa marka ay u sheekaysay ayay dareentay inuu hadalka yara dhibayo, sidaa awgeed waa ay ka joojisay oo aamustay. Waxayna billawday dhagaysiga iyo la socoshada neeftiisa iyo taaha ka yeedhayo.
Liibaan xannuunkii ayaa ku siyaaday, oo markan taahii ayaa kordhay. Taahii ayaa hinraag isu beddelay. Guux foolxun iyo guryan ayaa xigay. Guuxii silloonaa ayaa dhawaq oohineed yeeshay. Kolkan sida hal libaax helay ayuu si qaawan oo qayaxan u cabaaday, una ooyay. Laaca oo khadka taleefanka ku jirtay ayaa dhankeeda kaga dartay, oo aflabadii dhawaaqday.
Labadii qof ayaa oohintii iyo cabaadkii isu jiibiyay. "Xabiibi aamu. Gacaliye ii aamu. Adkayso xabiibi. Macaankaygiyow aamu, oo ii adkayso." Ayay Laaca ku barooranaysaa. Balse xannuunka daran ee uu Liibaan dareemayo ayaa ka keenaya, cirkana ku sii shareerinaya cabaadka iyo oohinta.
Nasiib wanaag iyo mid xunba, ka uu yahayba internetkii ayaa daciifay, oo cabaadkii iyo hadalladii ayaa ka kala googgo'ay, oo midba ka kale oohintiisa maqli waayay. Netkii ayaa sii daciifay oo kolkan aad la iskuma maqlo. Markan toos ayuu u go'ay taleefankii. Markiiba Laaca way kusoo celisay. Liibaan hadal ayuuba kari la'aaye, ma qabasho taleefan ayuu awoodaa. Markale ayay soo wacday, lagama qaban. Hadane way kusoo celisay, lagama qaban. Laaca wicitaan kama daasho, Liibaane ma qabto. Laaca waxay wicitaannadeeda dhextaal uga dhigaysay oo ay u diraysay imooj-yada murugada iyo oohinta, waayo faraheeda awood uma aysan lahayn wax qorid.
Liibaan waxa uu cabaad iyo duuf isku daraba, waa kaa naqaskii iyo culayskii ka degay. Waa kaa miyirsaday. Waa kaa lugihii isku duwaday. Waa kaa taleefankii eegay, ee argaggaxay. Labaatan wicitaan, soddon imoj iyo fariimo "iga qabo" u badnaa ayuu arkay. Mid baase saamayn ku yeellatay "Waad ogtahay Gacalliye in aan wadna xannuun qabo, xaalado adagna aanan xamili karin, saayidna kaaga warwarayo ee iga qabo fadlan!"
Markiiba wuu wacay. Lagama se qaban. Markale ayuu wacay. Lagama qaban. Maxay Laaca taleefanka qabataa soo tuu xannuunkii ku kacay. Haa! Waa tii wadnihii daf la yiri. Waa tii sariirtii kasoo haaday. Waa taa dhulkii sidii kiish bura ana bariisa rig ugu tiri. Waa tii naqaskii iyo neeftiiba ku dhegay. Waa tii sidii ruux la maray ama neef gawracan oo ay naftu dhibayso dhulka ugu gelgelatay. Waa tii awoodi weyday cabaadkii. Waa tii oohintii iyo qayladii gudaha ugu laabteen, sida qofka ay jug maskaxda kasoo gaadha uu dhiigu dib ugu qulqulo.
Liibaan waxaa uu sawirtay Laaca oo naqaskii tartiib-tartiib uga xirmaysa, neeftane ay dhibayso. Waxaa uu xusuustay inay go'doon ku tahay qolkeedii koonaha xigay ee cidlada iyo mugdiga isku darsaday. Waxaa uu sawirtay iyada oo aan gurmad helin. Gurmadka waxaa ka horreeya qayla-dhaan. Maxay qayla dhaamisaa afkiibaa juuqda gabay.
Liibaan waxaa u sawirantay Laaca oo bilaa gurmad iyo bilaa oksajiin noqotay. Markan waxaa hortiisa oo gudcur dama ahayd uga soo muuqday humaaggii Laaca oo waafi ah. Waa Laaca oo indhaheeda samada sare ku dakhran. Indhuhu waa ay caddaadeen, oo bar-madow laguma oga. Waxaa humaagga uga muuqday Laaca oo xididdada margiyada soo baxeen, sidii oo ay qaylin rabto ama naftu qaarka dambe ka soo baxayso. Ma uusan jeclaysan muuqaalkaa argaggaxa leh. Intuu cawda-billaystay ayuu indhaha maraanmaray, oo isku qabtay.
Ilbiriqsiyo kadib ayuu indhihii fayday oo hortiisa eegay. Waxaa markan humaaggii uga soo baxay Laaca oo si silac ah nafta inyar inyar qaarka sare uga gurmaysa oo dhiig matagaysa! Hiq! Hiq! Hiq!
Liibaan waxbaa daf yiri. Markiisuu sariirta kasoo faniinay. Dhulka ayuu si qaabdarran ugu soo dhacay. Rafashuu billaabay. Ruqaansi ayaa xigay. Qayli ayuu maagay. Codkii baa soo bixi-waayay. Markiisaa naqas ku dhegay. Hawo qaado ayuu maagay. Waa laga diiday. Mar kaluu isku dayay. Waa se laga diiday. Sida qof dhuunta lagu dhagay ayuu indhaha u caseeyay. Sidii neef dooxan ayuu marba gees u galaangashaday. Sidii qof la maray ama gablamay ayuu marba madaxa sibidhka la dhacay. Mar uu naftii u yaabay ayuu naqaskii ka fuqay. Neef iyo qaylo ay sambabadu in badan keydinayeen ayuu mar kaliya aflabadii ka sii daayay "Qaaaaq! Qaaaaq! Laaacaaay! Laaacaaay! Laaacaaay........"
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment