Habeenkii Baraaruga.
Waxbaad fahamtay. Maya...dareentay. Cadow baad ogaatay. Maya...kuu baxay. Ma aha mid kaa fog, ee waa mid kuu dhow. Maya..Maya...kugu lingaxan. Labada meel ee ay taladu kaaga go'do ayuu mid kamida fadhiyaa. Bal'e halka lagu kala shaandheeyo go'aammada masiiriga ayaaba u ah rug.
Cadawgaasi ma aha mid danqada, diirnaxa, oo digiigaxa. Waxba kama qaban kartid. Maxaad wax ka qabataa, go'aanka aad wax kaga qaban lahayd soo isaga ma marayo. Jaalle! Ma cid iyo cadow ayaa jirta oo baabba'eeda qalinka ku duugayso. Xaasha! Wax uusan go'aaminin ama laga talo-galinin ma dhaqangalaan. Waa se dhacdaa in marar laga hoos duso, balse dhaqangalkeedu waa mid dhibaato laga la kulmo, ugu dambayna la joojiyo. Joogsi!
Weligaa waxaad isweydiin jirtay waxa kharriban, wakhtiga iyo xilliyada waxa ka khaldan. Iyaga oo habeennadu mid qudha yihiin ayay haddane qaarkood qaarka kale inay ka dheeryihiin kuugu muuqdaan. Habeennada qaar waa sikimo, habeennada qaarne waa sannado. Waxaad se u fiirsatay habeennada sikimaha ah; inay yihiin habeennada aad adigu dooratay, uguna talo gashay dhafarka. Waa habeennada aad faraxsantahay.
Alla gaabanaa habeennadaasi, koobnaa saacadahooda. Waxaadba moodaa sidaa marka uu imaamka uga salaama-naqsado cishaha, inuu mu'addinku makarafoonku dafo, oo eedaanka salaada subax ku dhufto. "Maxaa habeennada aan faraxsanahay sidaa loogu soo gaabiyay?!" Ayaad iskula shawrtay ood yaab awgii wejiga kaduuday. Joogsi!
Dheeraa oo dheeraa habeenka aad murugaysantahay, ama aad xanuunsantahay. Waa habeen aadan dhafarkiisa dooran. Isaga ayaa se ku doortay, oo ku caashaqay. Hurdadii oo aad moodo diyaarad aan taayarada u baxaynin ayaa ka caagan inay garoonkaaga soo caga dhigato. Malaha taayarada kama hallaysna ee bayloodkii waday ayaa laalluush la siiyay.
"Ogaalkiisa koobnaa, oo iimaankiisu yaraa. Muu dareenkayga ogaado, muu wax yar dhugado. Muu u yara fiirsado xanuunka iyo murugada igu dhex-heshay qolkaygan mugdiga ah. Wacadalle bilaa shuruud ayuu diyaarada hurdada uu garoonkayga ku soo dajin lahaa. Xattaa hadday taayaradu hallaysan yihiin garoonka ayuu isku soo qaadi lahaa!" baad ku catowday ood hoos u ilmaysay.
Sideedaba sababta habeennada aad murugaysan tahay ay saacadahooda u badan yihiin baad isweydiisay. Sidaadii baad catow kale gashay; "Ma sannadaa? Ma qarnibaa? Mise quruun?! Aaway mu'addinkii la boodi-jiray makarafoonka, kolka cishaha sidaa looga salaama-naqsado. Malaha masaajidka iyo jamaacadaba habeennadaa ma soo xaadiro. Oo miyuu fallaagoobay? Mise sidayda oo kale ayuu qol mugdiya ku sakaraadsan yahay!"
Goor aad rafaaday, dhinacyadu ku xanuuneen, ilmada qalbigaagina ay dhammaatay, oo quusta lafteeda aad ka quusatay ayuu waagu kuu dillaacay. Goormuu se dillaaci. Ma goor aad dhimatay, oo weliba mawjadaha xanuunka ay ku meyd garaaceen. Joogsi!
Habeennada qaraar, iyo kuwaa macaan waxaa u dhaxeeyo habeenno iska caadiya, qunyar socod ah, oo madhibaan ah. Malaha labadaa caalam ayay dhextaal u yihiin, baad isweydiisay. Malaha waa biriijka la isaga gudbo, ayaad istiri. Malaha waa halka lagu nasado ayaad hoos isugu dhahday.. Mooyi. Kollay sidaa ayay u muuqataa.
Laakiin! Habeennadaa qunyar socodka ah waxaa ku jiray Habeen Barakaysan! Waa habeen aad ula baxday "Habeenkii Baraaruga!" Waxbaa kuu baxay habeenkaa. Waxbaad dareentay. Halka ay sarta ka qurunsan tahay ayaad ku baraarugtay ama isu aragtay mid ku baraarugay.
"Wakhtiyadu sideedaba kala ma dheera, habeennaduna kala ma badna, ee waxaa jira cadow sidaa wax innoogu sawira! Waana cadow innagu dhex-nool" Hawraartaa kooban ayaad sidii faylasoofkii isu hordhigtay. "Cadowgu cid kale ma aha ee waa maskaxdeena!" Ayaad qunyar u tiri, oo billowday inaad wa xoogaa sharraxaad ka bixisid hadalkaa isku qoofaln, eed tiri.
"Sideedaba waxaa innagu abuuran isdiidooyin tira badan, iyo dareenno iska soo horjeeda oo wada loollamaya. Maskaxduna waxay u muuqataa mid ku-tagrifal awoodeed samaynaysa. Arrinkeeduna waa eex. Habeenka ay calanka hayaan dareennada wanaagsan ee farxada, iyo raynraynta ah maskaxdu waxay soo koobaysaa wakhtiga, saacadaha iyo cimriga habeenkii, iyada oo awoodeeda isticmaalaysa. Halka habeennada ay calanka hayaan dareennada murugada, tiiraanyada, iyo xanuunka, ay maskaxdu dheeraynayso wakhtiga. Waxa ay inoo sawiraysaa iyada oo awoodeeda adeegsanaysa in wakhtigu intiisa ka dheeraaday. Waxay si cad ula safatay dareennada taban ee innagu abuuran. Sidaa awgeed maskaxdu waa cadowgeena koowaad!"
Waad yara aamustay ood yara xiiqtiratay. Markaliya ayaad af labadii ku dhawaaqday; "Aaaaa! Dhab ahaan, innaga ayaa cadaab isugu filan!"
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment