Labo Cadow Iyo Maarayntooda.
Farmaajo kolka uu Fillada tagay February, 2017 waxa uu istusay malahayga laba cadow in ay dalka ka jiraan. Waa Mucaarad iyo Shabaab. Kuwa hore inay kuwa dambe ka daran yihiin ayuu hoosta ka xariiqay oo dagaalkooda u qalabqaatay. Qoloda dambe iskuma uu taaban oo malaha labo dagaal ha isku furin ayuu ku fekeray.
Waa sida ay ila tahay'e, qorshihiisa waxa uu ahaa in Mucaaradka uu miciya siibo, oo dalka wax awood lihi ay isku soo haraan isaga iyo Shabaab. Shabaab qudhooda waa fahmeen qorshahan, waana sababta aysan dagaal daran ula gelin dawladdiisa, wakhtina aan iska lumin ee ay billaabeen hanti urursi, dib isu habayn, iyo sii adkaynta dhidibbada Ururka, si ay ugu diyaar garoobaan awoodda Nabad Iyo Nolol ee u malafsanaysa wada liqidda Mucaaradka.
Ugu dambayn, Farmaajo waxa uu hawada ku dubtay Guddoomiye Baarlamaan, kii Gobolka Banaadir, Saddex Madaxwayne Maammulgoboleed iyo kuwa kale. Wakhtigii ayaa ka dhacay, iyada oo ay Mucaaradkii uga dhinnayd labo Madaxwayne Maammulgoboleed oo kaliya.
Lamayaqaano, haddii Farmaajo uu qorshihiisa ku guulaysan lahaa, qoloda labaad ee Shabaab waxa uu ka samayn lahaa iyo tallaabada xigta ee uu qaadi lahaa.
Ka soo tag oo Hassan Sheekh iyo bishii May u imow. Oday Hassan waxaa muuqata, kolka uu isagane istusay labada cadow ee Mucaaradka iyo Shabaabka, in uu qaaday jiho lid ku ah tii Farmaajo. Waxa uuna dagaal ku qaaday Mujaahidiintii ganacsatada isu beddeshay shantii sano ee Farmaajo.
Kolkiiba waxaa daandaansi-siyaasadeed billaabay Maammulgoboleedyadii, iyaga oo sannad ku darsi iyo safar dibadda billaabay. Balse arrinkooda iyo u jawaabistooda hoos ayuu isaga dhigay oo diiradda saaray la dagaallanka Shabaab iyo arrimihiisa kale.
Haddaba jihadan uu Hassan u dhaqaaqay dhawr qodob ayaa loo sababeen karaa.
- In la dagaallanka tooska ee Maammulgoboleedyada iyo cawaaqibxumadooda oo uu arkay, kuna cibraqaatay Farmaajo.
- In uu qaatay, qaacidada tiraahda; Dabammarka Cadawgaada waa taatikada ugu wanaagsan. Macnaheedu tahay, halka uu Cadawgaada ku liitay oo uu hoos u dhigay, adigu kor u qaad oo guul ka keen.
- In uu adeegsanayo hal dhagax labo shimbir ku dil, oo ah; la dagaal Shabaab, islamarkaana ha noqoto wax bulshada ku sii jeeda, adigane hawlahaaga kale hoos ka wado, oo ay kow ka tahay dagaal-sarbeebeedka-siyaasadeed ee Maammulgoboleedyada iyo wixii kaleba.
Ugu dambayn, sida muuqata Oday Hassan, Shax-siyaasadeed cajiiba ayuu Golaha Siyaasadda ku soo galay ee aan aragno bardhamaadkooda.
W/Q: Aw Dacar.
Hasan waddo fiican ayuu cagta saarey hadii uusan ka habaabin waxay gayn doonta rugta uu rabbo.
ReplyDelete