Malaa'igtii Yarayd!
Waxan yari ee si walba u macaan, sida ay dhakada aqalka ugu taagan tahay ama ugu fadhido ayay wax walba oo ku hareersan dhakada ugu istaageen, sidii oo ay khamraysan yihiin ama dheelallowsan yihiin. Ma aha inay si runa madaxa ugu istaageen oo cagahii madax u noqday, ee waa macnawi. Ruuxdii yarayd ee ku jirtay ayaa qulubaageddisantay, kolka Malaa'igtaa yari ay aqalka dushiisa soo kortay.
Dayaxa oo cirka si doqonnima leh isaga dangiigsanaa, isaga oo daruur madow huwan ayaa kolqura booday oo hu'gii xooray, deedna isaga oo mudh iyo gacan u istaagay qalanjadan indho-daraandarisay. Sideedaba dadka ayuunbaa hu'ga ku qurxoon, ee dugaagga, dabeecadda iyo deegaankuba qaawanaanta ayay bilicdooda ku soo baxdaa.
Tiro Shimbiro ah oo aan dhaqan iyo caado u lahayn soo bixintaanka habeenkii ayaa kolqura si ogaal la'aana baalashadooda u kala fidiyay, kolkuu iftiinka dayaxa ku dhacay Malaa'igta yari ee aqalka dusha uga fadhida. Waxaanay hoos heehaabeen, iyaga oo heebad iyo xushmad u muujinaya Malaa'igta yari, dayaxii qaawanaa oo markan kusoo biiray xiddigo indhaha dibadda keenay, shaamareer awgii.
Ci'da kaynta ka yeeraysay iyo dabayshii badnayd ayaa isku kol xawaarahoodii dhimay, dhimay, haddane dhimay, sii dhimay, illaa uu jawigii isla aamusay. Malaa'igtii yarayd baa dareentay jawiga isbeddelay oo madaxa sare u soo qaaday, iyada oo kaynta indho aad quraarad moodo ku eegtay. Ma barakada Malaa'igtaa yari baa mise waxkale ayaa jira, geedihii kaymaha ahaa ayaa kolqura laamihii bilaa dabayl is-ruxay. Shax...shagax...shalalalax. Sida Ido roob helay oo dhaxanta iska kicinaya ayay si xarrago leh laamihii isku ruxeen.
Jabaqda laamihii bilaa dabaysha ruxmay, laxanka ashqaraarka leh ee ka dhashay, waxaa ku jidbooday shimbirihii oo sidii askar la faylinayo hawadii ay heehaabayeen saf ku wada galay. Kolqura ayay tii u horraysay colkii jidbaysanaa u jihaysay dhankii Malaa'igta yari fadhiday. Kolkay gaadheenna, waxa ay bilaabeen inay ku wareegaalaystaan dusha Malaa'igta yari.
Waxa aad moodaa maalinta carafo iyo muslimiin kacbada ku wareegaya. Haddaad u sii fiirsato wejiyada shimbiraha waxaa kaaga muuqanaya qiiro, jidbo, iyo qushuuc lamida midka ay muslimiinta dareemaan kolka ay ku sugan yihiin buurta Carafo, Uxud iyo qubuurta baqiic ee Saxaabada ku duugnayd.
Jawi iyo kayn isla aamusan. Laamo bilaa dabayl is-lulaya, shimbiro qushuucsan oo cadcad oo Qalanjo cad, oo maro cad xidhan ku wareegaya. Iyo dayaxa iyo dhashiisii xiddigaha ahayd oo kaahooda sii bilaya barakada iyo ka barakaysiga Malaa'igtan yari. Dunida sidaa u wada shaamareersan ee isla qushuuc iyo qiiraysan waxaa ku dhex lumay oo inay jiraan iyo inkale aan la ogaynba labada bisadood ee yaryari ee isku lingaxan.
Maxaa waalaya deegaankan iyo waxa ku sugan, ee qulubaageddiyay?! Oo maxay ruuxdooda iskugu dhex-yaaciwaysay soo banaanka uma soo bixin, oo dhakada aqalka ma soo korin Qalanjadii quruxda! Qurux iyo qaayo walba oo ay deegaanka, dabeecadda iyo dugaaggaba sheegtaan amaba ay ku suntan yihiin, soo ma aha Malaa'igtan yari midii ay ka soo tabal-caaraysanayeen; Maya ka soo qaadanayeen; Maya ka soo amaahanayeen; Maya! Maya! Ee kuba dhashayba!
Waaba Hooyadood! Hooyadii Dabeecadda iyo waxa ku suganba! Ma waxaa jira Carruur fadhigooda iyo ciyaartooda iska wadanaya kolka ay Hooyo muddo maqnayd ay albaabka ka soo gasho! Xaasha! Hooyadani, ama Malaa'igtan yari muddo iyo muddo ayay aqalkaa kaga maqnayd dhasheedii, waa taa caawa usoo baxday ee si walba dhasheeda ugu dabaaldegayaan.
W/Q: Dacar
Cajiib saaxib. Aqliga iyo garaadka alle ha ku barkeeyo.
ReplyDelete