Martisoorkii Dabiicadda!
Qoftii Haweenayda ahayd waxa ay iminka isa soo taagtay illinka qolkeeda. Gacma gariiraya intay albaabka ku cuskatay ayay madaxa iyo inteeda hore bannaanka ula soo baxday. Labadii indhood ee madaxeeda ka soo jeeday ayay jihooyinka degdeg ugu kala qaybisay. Walow ay horay uga sii gaashaamatay, hadane ujeedku waxa uu ahaa; hubinta wixii agab iyo alaabo kale oo ay daaradda ku soo illowday, kuwaa oo mahiigaanku wax yeellayn karo.
Badh-saac kahor ayay ahayd kolkii uu cirka isasoo xirxiray. Daruuro madmadow oo irmaan, sidii gashaanti afrikaan oo la garciyay ayaa cirkii isku ballaadhiyay. Qorraxdii oo ka khajishay fadeexadda meesha taalla, islamarkaana isu aragtay yurubiyaanad sharaf leh, ayaa fallaaraheedii degdeg dib ugu celisay, oo goobta isaga carartay.
Markiiba, dhulka oo iska dhigaya, mid uu maankiisu furan yahay ayaa soo dhaweeyay daruuraha xaamilaysan, ee dhaansan. Arladii ayaana mar kaliya midab dugul ah hullaabatay. Iyada oo aan gabbalkiiba dhicin ayaa gudcur isasoo tarayay jawigii ku habsaday. Mar kaliya ayay cimiladii ceeryaan-madaw iyo mid mugdiyeed wada qarisay. Mawjad dhaxan ah, oo lafaha dadka garaacaysa ayaana dhanka bari ka soo butaacday.
Qof Haweeney ah oo Marwo u muuqato oo jiko ku jirtay ayaa ku baraarugtay jawiga dugulloobay, ee doorsoomay. Mawjadii dhaxanta ahayd ayaa si sarriigasho la'aan ah oo degdega ugu soo gashay halkii ay fadhiday. Harraadkii hayay, baahidii lafaha ka cuskatay, iyo daalkii diyaarinta affurka ayaa waxaa ugu sii darsantay qarqaryada ba'an, ee maqaarka iyo maryaha hoostooda sidii halaqii u dhexqaaday.
Marwadii waa tii habhablaysay. Waa tii markiiba alaabtii affurka ay ku diyaarisay qolkii fadhiga u daabushay. Waa tii ay ka aruursatay maryihii xargaha ku wadhnaa, iyo kuwii kale ee meelaha daadsanaa. Waa tii wixii kale ee uu roobka wax u dhimi karo xaraysay. Waa tii iyada oo bawdyaha iyo ilkaha isku garaacaysa isku xaraysay qolkeeda jiifka ahaa.
Waa tii iyada, oo koodh iyo wax ay dhaxanta ka xirato baadh-baadhayso, cirkii isa soo dhaanshay uu mar qudha sidii calool dooxantay u soo furmay. Dhagagagac! Dhawaaqii darnaa ee tarniiga ka yeeray waa tii ay la dhego barjawday. Waa tii ay sarjooga ka sii daysay wax kasta oo ay gacanta ku haysay, oo dhegaha degdeg faraha ula gaadhay.
Waa tii ay ka yaabtay, dhibcaha waaweyn ee mahiigaanka ah ee sida danabkii usoo daadanaya. Waa tii ay ka amakaagtay, sida daran ee ay tarniiga ugu soo hoobanayaan. Waa tii ay mooday, in dhibcaha mahiigaanka ay tarniiga ciil hore iyo ciifo u hayeen, oo uu xarash ka dhaxeeyay. Waa tii wa xoogaa kolka ay taagnida ku koktay soo miyir-noqotay, ee ku fekertay; inay jiri karaan agab iyo alaab kale oo ay bannaanka ku illowday. Waa tii illinka isa soo taagtay, ee billowday inay hareeraha fiirfiiriso.
Eegga, indhihii jihooyinka loo qaybiyay ee madaxa marwada ka soo jeeday kedis ayay wax ku arkeen! Hummaag Aadane oo badhtanka daaradda dhextaagan ayay isha qac ku siisay. Waxa uu ahaa mid ku dhex-qabaysanaya mahiigaanka hooraya. Sidii tiirkii ayuu u qotonsanaa. Sidii qof la salbinaya ama astaanta kiristanka ayay gacmaha, midig iyo bidix ugu kala taagnaayeen, oo goroda hoos u foorarsanayd.
Hummaagii qotonsanaa qaddar ilbiriqsiyo ah ayuu neeftii iyo dhaqdhaqaaqiiba joojiyay. Askari digtooni ku jira ama ciidan baroordiiq samaynaya oo kale. Marqudha ayuu sidii giraantii isu wareejiyay, isaga oo madaxa sare u qaaday, oo carrabka u dhigay dhibcaha waaweyn ee sida daran u soo hoobanaya.
Marwadii garatay, qofkan qofka uu yahay. Waa Loogge. Waa Loogge Aw Geedi. Waa jeexeeda iyo gacalliyaheeda. Waa saygeedii ay nolosha la qaybsanaysay. Ugub kuma aha, oo marar badan oo hore ayay ku aragtay. Waa ay ku garanaysaa, kolka uu roob soo daato, inuu sidii carruurtii u mahiigaanka dhexgalo, oo daaradda dhan walba u dhex boodo. Inuu in badan ka codsaday, se diiday ayay xusuusataa. Jabaqda roobka ayay ka sastaay, ee ma dhibcihiisa ayay isku dhigi kartaa. Iyadu, sidaa biyaha uma necba, ee jawiga madow, iyo waxyaabaha kale ee uu roobka sito ayaa ka bajiya. Se markan waxa ay go'aansatay inay la dabbaalato. La maydhato, oo la qabaysato.
Marwadii waa taa iyada oo baal shimbireed ka fudud kasoo duushay illinka ay taagnayd. Loogge agtiisa, meel tallaabo u jirta ayay jug kusoo tiri. Aad buu ugu farxay go'aanka ay qaadatay, iyo sida ashqaraarka leh ee ay joogeeda u taagan tahay. "Cosobla'! diraca khafiifka ah, eed xidhan tahay, dhab ahaan bilicda jidhkaada ayuu soo saarayaa" ayuuu Saygii ku salaamay Marwadii. Walow aan aad la isu maqlin, iyadu se, dhoollacadayn iyo madax ruxid ayay hadalkii kaga jawaabtay.
Waxa ay billowday in ay samayso, sida uu saygeedu samaynayay. Jooggeeda ayay isu taagtay oo gacmaha midig iyo bidix u kala taagtay. Madaxa ayay sare u qaaday oo dhibcaha carrabka u dhigtay, deedna sidii giraantii isu wareejisay. Xoogaa markii midba geeskiisa sidii giraantii u wareegsanayay ayay marqudha dhaxan dareentay. Dhaxan lafaha ka cuskatay. Dhibcihii roobka, oo aad moodo rag u ooman jidhkeeda dhaylaha ah ayaa kusoo hoobanayay, oo u soo kala tartamayay.
Cosobla' jidhkeedii ayaa duday. Xaadii ayaa kacday. Waa ay jaraysay, sidii ruux koronto haleeshay. Waa ay koktay, sida ruux qalal qaba. Dhaxantii baa lafaha intay dhaaftay dhuuxa u gudubtay. Cagaha ka billow, way ku istaagi la'dahay. Bawdyaha ku xiji, way isla dhacaysaa. Badhyihii baa dhaxan awgii iskood isaga ruxmayaan. Calooshii oo aad moodo in gabal baraf ah la dhex dhigay ayaa qabow daran dareemaysa. Boggeedii oo didsan baa dhabarkeedii ku dhegay.
Horaadadeedii baa si la yaqaano u muuqda, oo iskood u jaraynaya, iyaga oo aad moodo inay ka gadoodsan yihiin xaalkan murugsan ee ay dhextaagan yihiin. Markani shaydaan ma ruxayaan naasaheedii, sida dadka qaar ay qabaan, ee roobka ayaa si jaahilnimo ay ku dheehan tahay isaga falaadayo. Cosobla', go'aanka ay qaadatay ayay ka shallaysay. Dibinta ayay qaniintay, oo is hiiftay.
Iyada oo uu xaal sidaa yahay, oo ay ku fekerayso inay dib qolka ugu laabato ayaa hillaac walalac leh, iyo onkod qararac laynaya mar wada kulmay. Markaliya ayay isku duubtay laabtii Loogge. Shafkiisii balaadhnaa ayay isku shubtay, oo ay gashay. Ina Aw Geedi, oo miyir la'aa, kuna mirqaamay mahiigaanka hooraya ayaa soo miiraabay. Naftan kadeedan ee jaraynaysa, ee laabta kaga duuban ayuu arkay. "Gacalliso!" Ayuu ku yiri, codkiisii weynaa. Onkod kale ayay mooday oo isku sii nabtay. Loogge, waa uu yaabay. Abid sidan daran uguma aysan dhagin. Intuu garbaheedii qabtay ayuu iska fujiyay, oo hubin ugu dhaqaaqay waxa helay. Foolkeeda illaa farta suulkeeda ku dhinacyaal ayuu indhaha ku baniiniyay. Inay dhaxani haleeshay, oo ay hillaacii ka sastay ayuu gartay.
Markan dhexdooda waxba uma dhexeeyaan. Faraha luguhiisa kakan waxay qarka u saaranyihiin in ay taabtaan lugaheeda aadka u qaboow ee jilicsan. Horraadkeeda soo taagan ibtiisu, waxa ay marba taabanaysaa laabtiisa, marna dib uga dabcaysaa. Waxaad mooddaa awoodda dhaqaaqa ibteeda hagaysa in ay tahay hadba neefta ay jiiddo iyo midda ay tufayso inta ay le’eg yihiin. Cosobla' madaxeeda kor ayey usoo yara qaadday, iyada oo isaga aan marna dareensiinayn in uu ka madax-taaganyahay. Waxa ay sidaa u yeelayso waa ay og tahay, keliya waa si aanay indhaheedu ka miliqsan kuwiisa.
Gacantiisa midig inta dhabarkeeda uu soo mariyey ayuu isku soo nabay. Dhexdeedii yarayd ayuu shantiisa farood ee qallafsanaa iyo calaasha ku balaadhiyay. Jac! Sida hillaaca ayaa jirkooda iftiin wada jir ahi uga kacay. Wagagac! Markan Cosobla' hoos ayay xishood eegtay, ma oga isagu waxa uurkeeda ku jira, hase ahaatee waxa uu arkaa timaheedii oo wajigeeda kusoo yara daatay. Gacantiisa bidix oo camal la’aan la laadlaadday ayaad mooddaa halkaas jaanis cusub in ay ka heshay. Way soo dhaqaaqday gacantii, kadibna Cosobla' oo hoos ku maqan ayey madaxa kor ugu soo qaadday, iyada oo garka aayar u qabanaysa, isla markaana waxay billawday bidixdiisi in timaha Cosobla' ee wajigeeda weerarka ku haya ay halkoodi hore ku celiso.
Loogge, waa nin laf iyo lud leh. Waa nin murqihiisu kala go'an yihiin. Murqaha caloosha, shafka, cududda, iyo meelaha kaleba. Waa nin ay timihiisu jilicsan yihiin. Waa nin joog leh, se aad u dheerayn. Waa nin shafka timo ku leh. Timo aad moodo digil madow, oo aad u jilicsan. Sidii kayntii ayay kalxantiisa illaa iyo calooshiisa u daadsan yihiin. Gacanteedii bilaa camal iskaga laadlaaday ayuu soo qabtay. Waxa uu saaray shafkiisa. Funaanadda iyo laabtiisa ayuu kala dhex geliyay.
Gacantiisii weyneyd, ee qallafsanayd ayuu soo wareejiyay. Waxaa isku mar kulmay gacantii Cosobla' oo dhex jibaaxisay timihii jilicsanaa ee shafka saygeeda, iyo tii Loogge oo marqudha lagu balaadhiyay badhidii Cosobla'. Jah! Marqudha ayaa markale danab jidhkooda si wada jir ah uga kacay. Intaa kuma ekaynin'e, dibnaheedii debecsanaa ayuu ku qabtay bishimiihiisii.
Dhunkashadii ugu horraysay iyo waxaa isku mar noqday eedaankii salaadda makhrib oo afarta barjo isqabsaday. Loogge iyo Cosobla', waa ay Soomanaayeen, se hugun-mahiigaaneedka hooraya ayaysan la maqlaynin eedaanka afarta dhinac ka yeerayo. Xattaa haddii ay maqlayaan uma eka kuwa ku affuraya cunnada ay diyaarsadeen. Waxa ay diyaar u yihiin inay ku affuraan, affurka ay Dabiicadda ku martisoortay.
Waa kuwaa caadaa isla tagay, ee haddane ciida yimid, ee markalena samada iskula haaday. Waa kuwaa sidii qof mool ku hafanaya u wada hinraagaya. Waa taa sidii hororkii funaanada saygeeda gacan qudha kaga siibtay. Waa kaa isagane sidii yaydii far iyo suul kaga siibay diracii madluumka ahaa, ee ku dhex rafaadsanaa labadan isku ooman.
Dabiicaddii iyo daruurtii, oo aad moodo inay u riyaaqeen hawsha xallada leh ee daaradda ka socota, ayaa hogle kale oo mahiigaana soo siidaayeen. Waa kuwaa Loogge iyo Cosobla' maryaha dhigtay ee isku libdhay. Waa kuwaa hummaag-roobeedka mahiigaanka ah ee hooraya, hillaaca walalac leh, onkadka daryaamaya, iyo hugunka aan kala go'aynin ku dhex libdhay, iyaga oo isku libdhan. Miyaysan iyaguba dabiicaddu kamid ahayn?!
W/Q: Aw Dacar
Comments
Post a Comment