Martisoorkii Maqaadiirta!

Kolka ay isu kaa raacaan; Gacalkaada, Gabbaldhaca, Gebi-jamaleed hoostii, iyo Goob-cidleed ay aamusnaantu haraysay, waa nooc kamida; kedisyada wadno qabadka ah. Si kale, waa nooc kamida; xaalmarinta iyo sabeenxirka uu Waayaha sameeyo, midkaa oo maalmahan oo dhan, arrimaha si uun u kala daadinayay.

Sidaa awgeed, galabta waa aynu shuqlannayn. Waxa aan aniga iyo gacalladayda ku mashquulsannayn karinta iyo cunista; Sabeentii ay maqaadiirtu inoo gawracday, si ay noogu xaalmariso. Sabeenta, karinteeda, iyo cunisteeduba, tii la yaqaanay, ee ay dadku isla garanayeen ma ay ahayn. 

Sabeentu, waxay ahayd hanashada iyo isku helista, cajabta iyo shaamareerka sadarka koowaad ku wada xardhan. Karinteeduna, waa isdhigidda dhulka iyo fadhiisiga gebi-jamaleedka hoostii, meel biyaha badda u dhow, iyo iska fogaynta taleefan iyo aalad kasta oo kale. Sidaa ayayna ku bislaatay Sabeentii.

Kolkaa, Sabeentii bislaatay, qaab-cunisteeda, waxa ay ahayd; isu-keliyoobid .. iska soo horjeesasho .. gacmo isudhiibid .. si yaroo macaan, calaacal isu saarid .. waxyar oo is xantaxantayn ah .. indho isku qabasho  .. isa soo wada xaadirin .. dareemidda neecawda macaan, ee jirkeena sida dabacsan ugu dhacaysay .. u dhegraaricinta jabaqda qulqulka hirarka, ee sida degen u rogmanayay .. neefqaadasho .. aamusinta fekradaha aan loo baahnayn .. dajinta qalbi aad u garaacmaya .. macnaynta macnadarrada nolosha .. iyo in aan nafta u sheegaynay, in ay wax walba caadi yihiin, iyada oo aysan jirin, habayaraatee, wax caadi ah!

Afar daqiiqo iyo bar ayay nagu qaadatay cunista Sabeentaasi. Ma garanaysaan da' ahaan inta aynu iminka jirno?! Dhab ahaan, afar daqiiqo iyo bar ayaanu noolnahay!

W/Q: Aw Dacar.



Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!