Masraxii Duulitaanka!
Ina gee oo ina dhex-jooji masraxa. Masraxii duulitaanka. Joogso, oo jooggaaga isqotomi. Deedna ii dhiib fiida hore ee faraha gacmahaaga. Sidaa u qotonsanow oo qaddar daqiiqado sidii oo ay shambir dhakada kaa saaran tahay u taagnow. Ahow, oo sidaa ahow illaa ay sidii danabkii isu taabtaan faraha dhiijayga iyo magsarka miyuusiga.
Aaheey Gacallo! Waa kaa danabkii kacay ee masraxii isla dayaamay. Maya! maya, ee isla yuusay. Miyuusig hoose oo si u gunuunacaya ayaa sameecadihii ka soo baxay! Sidaa awgeed, qunyar dhexda jilci ama jebi, oo qaybta hoose kaga yara dhaqaaji. La jaalnoqo miyuusiga-hoose oo cago jiitamaya fiida faraha kaga istaag.
Isdabadhig lugaha sidii oo ay is-eryanayaan, deedna si wahsiya oo aad laxanka miyuusiga lahaysatid, kolba tallaabo qaad oo horay u qaad. Waan kula socdaa, oo tallaabada kula qaadayaa.
Hadda miyuusigii hoose ee gunuunacayay, gurxan isa soo taraya ayuu yeeshay. Sii furfur xubnaha, oo ka daadi silsiladaha murqaha iyo kalagoysyada ku giigsan, oo jirka u diyaari dayaanka-miyuusigeed ee jidka ku soo jira.
Markan gurxankii waa kordhay, kordhay, kordhay, oo kordhay oo masraxii baa mar kaliya isla dayaamay. Ax! Waa kaa garaacii wadnahayga siyaaday ee xaadii wada joogsatay.
Gacallo! Xubnihii furfurnaa kala daadi, oo iyagoo jilicsanaa sii jilci. Hoos u liic, oo degdeg isu soo celi. Yara leexo adiga oo liicayo, haddane dhanka kale u weeco, adiga oo isa soo celinayo. La soo kac laabta oo horaadada isoo saar, haddane god dhabarka, oo sadriga sidiisa ku celi.
Jaas oo dayaanka iyo dunida miyuusiga la jaalnoqo. Isjejebi oo kolba dhan u tuur gacanta. Indhaha yaryareey, oo soo quf dareennada iyo jinniyo-dahsoonaadka dhexyuurara gunta arwaaxdaada.
Liico, liico, oo hadba dhan u liico, laabta la soo kac, oo yara lux, luquntane leexleexi, oo timaha kolba dhan u sayr, oo badhida gilgil, oo daf dareenadayda oo duni aan la aqoon iyo dayaanka miyuusiga iga rid.
W/Q: Aw Dacar.
Comments
Post a Comment