Taswiirtan Maxaa Laga Yiri?

1- "Xaqiiqdii labadeennuba waxaynu raadinaynaa inaynu sharaf ku noolaano mustaqbalka! Haa dabcan, laakiin laba qaab oo kala duwan ayaynu u raadinaynaa. Aniga Aabbahay xalka keliya ee uu u arkay inaan sharaf ku heli karo waa inaan qorigaa culus degta saarto. Adiga se Aabbahaa waxa uu u arkay inaad sharaf ku heli doontid qalinka iyo buugga, sababtuna waa in aanay Aabbahay iyo Aabbahaa isku duruuf ahayn! Saaxiibkayow waan jeclaan lahaa inaan sidaada u xarragoodo oo aan qalin iyo buug qaato, laakiin duruufta ayaa laba waddo inoo kala jeexday"

- Cabdikariin Maxamed Cali

2- "Annigaa kaa xoog iyo xiniinyo badan. Se Aabbahaa ayaa Aabbahey ka xoolo badnaa, sidaas baad iiga xarrago badatey. Guri bangalo ah, baabuur, buugaag iyo wax kasta oo aad u baahantahey ayay waalidkaa kuu sii tabceen. Waxay ka shaqeeyeen in aad xaashida qalinka dul dhigtid oo riyadaadu rumowdo. Anniguna beerka ayaannu dhulka ku haynaa oo Aabahey isaga oo Aabihii ka dhaxley qori keliya ayuu haddana iska qooqey oo isaga oo aan qado iyo quut heynin anniga qorshe la'aan igu dhalay oo aannu hadda wada qatannahay. Waan ogahay in waalidkaagu kuu qabanqaabinayaan in aad dhakhtar noqotid timaaddada dhaw, kadibna laguu dhisi doono cusbitaal weyn oo aad maamushid.

Murti ayaa tidhaahda: 'Waddo Waalid sii qoray ayuu Walad u aayaa' Haddaba anniga ma jiraalka iyo qaddarta ayaa igu khasbay qaabkan? Mise qarankayga qorshe la'aantiisa? Mise qoriga Aabbahay?! Si kasta oo ay tahay qalbigaygu kuma qanacsana qaabkan ahay. Kolkaan hareeraheyga fiirshaba, waan is hiifaa. Mar ay noqota ba qoriga ayaan xoori, oo qallinka ayaan ku beddeli, qorshe na waan la iman, qayrkaynna waan dhaafi. Ma aaminsani in guushu tahay nasiib iyo hibo waa se hawl iyo halgan. Wakhtiguna wuu isdaba socdaa"

- Saahid Dannood 

3- "Ma suuraggal baa innagoo Waxbarashada isku mar billownay, in xaalkeennu sidaa daran u kala fogaaday? Anigu in aan mar kasta ku dhex noolahay Dunida Dagaallada, Gantaallada, iyo Qaraxyada, adiguna weli Caalamkii xasilloonaa ee Ardaynimo aad ku jirto ee buugta iyo cilmiga lahaa, oo markaad rabtana Saaxibbadaa la ciyaarayso, ma daw baa?! Tolow markale fursaddaasi ma soo noqonaysaa dunidan isla ololaysa ayaa idaashataye?

Inta uu Cilmiga iyo Aqoonta kugu la dedaallayo Aabbahaa, muu waxyar iska daayo sida Aabbahay oo kale, deedna u noqdo mid naxariis daran oo ku dagaal geliya, dunidan isla ololaysane madax-madax kugu tuura, aad aragtid dhibka iyo nolol la'aanta i haysee? Anigu ma rabo Aabbahay ee waxaan rabaa, rabi lahaane Aabbe, sida Aabbahaa u naxariis badan!"

- Yuusuf Dacar 

4- "Saaxiib kama xumi inaad adiguna wax barato, anna aan qoriga qaato. Xilliyada adag, xilliyada kulul iyo kuwa qabowba inaan dhabarka urito waa ii farxad. Cidda aan qorraxda uga hargali waayay, qabowgana uga gabbaad doonan waayay waa adiga iyo kuwa kula midka ah. Anigoo da'daas ah waxaan jiidda hore u tagay sidii aad adiga si nabada ugu naaloon lahayd, wax ugu baran lahayd ku ladi lahayd.

Jaalkayow ma waayin waqti aan boorso ku qaado, qalin iyo dhiganena isku dul xarriiqo, waayuhu igama hiilin, hiilna kama sugin, se xaaladda cakiran ee Waddankayga ayaan u dulqaadan waayay, taas darteed ayaan qorayga duudkayga itaalka daran eed mooddo islaan 90 jirsatay oo harag gaboobay maahee wax kale lagu arag aan ku qaaday. Mala socotaa mise ma ogtahey in dharaaruhu noo wada siman yihiin hoyga waxbarashadana kuwada damaashaadi karnay.

Saaxiib waa ii niyad sami iyo farxad inaad nabad ku marayso bartanka laamiga iyadoon cidina kugu gacan sayreen il xunna kuugu eegayn, allaylehe waqti igama khasaarin haddaan arkayo aynigayga oo si nabada usoo gudanaya waajibaadkiisa maalinlaha ah. Saaxiib waqtigu dadka uma wada sinna aadmiguna isku yool maaha, kani waa kayga, kaasina waa kaaga, miro ka keen kaaga, aniga kaygii waad aragtaaye"

- Hafsa Ahmed 

5- "Eegmadaydu kama dhigno xiiso aan u qabo aragaaga, hab socodkaaga iyo labbiskaagaba. Waxaase cajiib ah sida uu waqtiga ii ciilay oo aan fursad ugu helin in aan waxbarto, u socdaalo sidaada oo kale, kuna noolaada rejeda aad adiguba ku nooshahay. Hadda, wax rejo ah oo aan mustaqbal ahaan rejeynaayo ma jirto, cid aan wax ka sugaayo ma aqaan. Maxaa rajo ah, maalinba maalinta ka danbeyso waa aan ka sii liitaa xaga rejada, waxba iima hagaagaan, culeys iga weyn ayaa dhabarka iga saaran!

Waxaa suurtogal ah in aan hal mar dunida ku soo biirnay –ama aan aniguba kaaga soo horreeyay– noloshii aan labadeenaba imaanay anaga oo aan waxba heysan oo la doonaayay in aan fursadaha nolasha inoo sinnaadaan kama aan helin. 

Cid iga hiilisay oo nolosha ii dabartay, aniga oo yaraan ahne qoray garab ii surtay ma garan karo. Waddan ay caddaaladdii ka guurtey, burbursan, faqri ah oo aan fursadaha nolosha loo sinnaan karin ayuu Eebbe na keenay. Maxaan baddeli karaa? Waxba! Saaxiib, mar kale kama xumi sida uu waqtiga kuu saaciday, waxa aan kuu rejeynayaa mustaqbal wanaagsan, aniguna sidii roon Eebbe ha ii yeelo. Nabad ahow saaxiib!"

- Dhuubow 

6- "Jaalle! Waxba ha isoo jalleecin. Yaysan kula noqon inaan kaa ayaan badanahay. Innaga oo aanan na la tashan, waxbane na la waydiin ayaanu caloolgalnay. Isdiidooyin badan ayaa nagu la abuuray. Duni inaga sii daran, oo kun isdiidooyin innagaga horreeyaan ayaanu madax-madax u soo galnay. 

Qaddarka ayaa na gacan qabtay, oo na daadihiyay. Dawga aad taagan tahay ayuu kugu riday, oo qori garabka kuu suray. Anne dhabbahaas ayuu i raacsiiyay oo boorso garbaha ii saaray. Manfaca, iyo musiibooyinka halkan yaalla waa aynu u simannahay. Se, lagayaabaa inuu midkeen dhinac u bato. Kaasina inaan noqdo waa wax suuraggala!

Haddii ay kula tahay inaan kaa nasiib-wacanahay, maadaama aan helay fursad waxbarasho, been ayaad isu sheegtay. Waddanka adiga oo yar qoriga dhegta kuu suray, ma kula tahay kolka aan qalinjabiyo inuu i maamuusayo, oo shaqo i siinayo?! 

Taa marka laga soo tago, mar walba oo aan waxbarto jaahilnimo ayaan ka qaadaa! Waydiimo intii hore ka tiro badan ayaa igu dhasha. Nusqaantayda, doqonnimadayda, dabinka uu jiraalka ii dhigayo, iyo xaqiiqada qadhaadh ee dunidan taalla ayaa si qaawan isu kay soo muujisa, mar kasta oo ogaalkayga wax ku darsama. 

Waalid, Walaal, iyo wixii kugu soo tacab beelay ayaa meel halkana soo fadhi xun, oo ugu yaraan kaa sugaya inaad kala badh dedaalkii ay ku geliyeen miraheedii ku soo celiso. Qaddarkane ma aha mid kugu simaya, halka aad doonaysid. Iyagune uma eka kuwa kuu garaabaya.

Sida aniga aan waxbarashada heerar uga gaari karo, ayaad adigane askarinimada heerar uga gaari kartaa. Haddaad lee dahay ma dal burbursan baa heerar askarinimo leh, waxaad qorshaha ku darsataa in waxbarashada dal burbursan ay lamid tahay. 

Haddaad intaa ila garato, oo haddane la soo istaagto, qof iyo nasiibkii, nin iyo xiniyihii ayay ku xiran tahay heerarka askarinimo. Waxaad ogaataa in qaddarku aanu ila dhalan, qaraabane aynan ahayn, jixin-jixna uu inaga dhaxayn, ee halka uu doono iga ridi karo. 

Sida adiga oo mustaqbalka Jeneraal noqday, anigane gacanyarahaaga khaaska ee dhanka tiknaloojiyada aan noqdo! Kolkaa Jaallahayga Dhuubow, waa aynu u simannahay nacaladda iyo naxariista dunida taalla!"

- Aw Dacar

Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Kamkamkii Kalluunka!

Waraysigii Sanyare | Faallo.