Squid Game | Faallo.

Nin aan magaciisa iminka xusuusnayn oo noloshiisa intii dambe waali ku dhammaystay ayaa laga hayay "Dunidani waa hordhacii cadaabta aakhiro iyo gabal kamida nacladda Eebbe!" 

Hawraartaasi waxa ay igu soo dhacday kolka aan dhamaystay filimkan. Sawirka guud iyo qorshaha filinka waa koox dahsoon oo qabanaysa ciyaar ku guulaysashadeeda $38M ay tahay. Ciyaartaa waxaa kasoo qaybgalaya 456-qof oo ay dani iyo duruuf dabada ka riixayso. 

Kasoo qaybgalayaasha waxaa loo sheegayaa qofkii shuruucda ciyaarta baalmara ama guuldaraysta in ciyaarta laga fadhiisinayo. Iyaga waxa ay u fahmeen in qofkaa uu xaafaddiisa iska aadayo. 

Laakiin fadhiisiga waa in nolosha iyo dunidaba uu ruuxaa ka fadhiisanayo! Sidoo kale waxaa loo sheegayaa hadba qofkii dhinta in ay lacagtu sii kordhayso, midaa oo ay ciyaaryahannadii dhexdooda ka bilaabantay iyo inay dhexdooda is-dooxaan. Sida caadiga ah waxaa la doonayaa inay dhimato 455-qof, oo kaliya soo haro hal qof oo lacagtaa ku guulaysta.

Kolka laga tago sawirkaa guud iyo qorshahaa uu filinka ku socdo, waxaa sidoo kale laga dheehan karaa boqol sawirrood iyo macneyaal badan. Waxa uu si cad u muujinayaa filinka sida ay dabaqadda sare ee taajiriinta u arkaan tan hoose ee saboolka ah. 

Dhawrka Maalqabeen ee ku qamaaraya nolosha 400+ oo qof waxba ugama duwana dhawrka Kuray ee gidaarka la fadhiya taleefanka ee Game-ka Baabjayga dheelaya ee boonbalaha ku dhexjira Game-ka ku qamaaraya.

Ujeedka maalqabeennada ay ka lahaayeen ciyaartan waa kaliya inay xoogaa farxad helaan! Waa ganacsato ku caajisay nolosha oo deedna hindisay wax ay ku yara madadaashaan. 

Hindisihiina waxa uu noqday inay afar boqol iyo dheeraad oo sabool ah iskugu keenaan jasiirad yar oo deedna ciyaar u qabtaan, kii guuldaraystane nolosha laga fadhiisiyo. Markale Maalqabeennadaa waxba ugama duwana Kuraydii gidaarka taleefanka la fadhiday ee Game-kii Baabjayga ahaa madadaallo ka dhiganayay.

Dabaqadda sare ee maalqabeennada waxa ay raadinayeen farxad iyo firfircooni, halka tan hoose ay raadinaysay lacag. Kolka uu filinka dhammaaday waxa aan iswaydiiyay qolo kasta ma heshay waxa ay raadinaysay. Tan hoose waxa ay baadigoobayso dabaqadda sare ayaa haya, ee ta sare waxa ay baadigoobayso mida hoose ma haysaa ayaan markale iswaydiiyay. 

Hadday dabaqadda hoose farxadda lagu tuhmayo ay haysato maxaa eryaya oo dabada ka riixayo ayaan markale iswaydiiyay aniga oo eegaya shaashadii Computerka ee aan filinka ka daawanayay. Midna waxa uu raadinayaa lacag, midna farxad ee lacagtu farxad ma keentaa ama farxaddu lacag ma samaysaa ayaan kol kale iswaydiiyay. 

Sideedaba farxaddu waxa ay lamid tahay quruxda, oo qeexitaan u gaar ah ma laha. Sida qof walba uu quruxda si' la tahay ayay farxadduna qof walba si' ula tahay. Waxaa kale oo jira xaqiiq ah in Aadanuhu hadba waxa ka maqan uu raadiyo. 

Oday baa la waydiiyay "Maxaa dunida ugu jeceshahay?" Qunyar ayuu ku jawaabay "Hadba waxa iga maqan!" Nuxurka filinka iyo jirridda geedka uu ku taagan yahay waaba intaa. Jawaabta uu Odayga bixiyay ayuuba filinkan ku qotomaa. Dhacdooyinka kale ee ciyaaryahannada ka dhexdhacay inta uu Game-ka socday aan kasoo qaadno laamihii uu geedkaa bixiyay.

W/Q: Aw Dacar



Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!