Quruxda Wedka!

Qori-cuud ayaad dab qabadsiinaysaa. Qiiqiisa ayaad sanka la raacaysaa, adiga oo indhaha iyo afka isku qabanaya. Aaaah! Ayaad niyada ka oranaysaa, oo aad sanka udgoonkiisa ka qaadanaysaa. Waxaad ahaanaysaa mid ku qanacsan xaaladaa, una riyaaqsan, dareemayane farxad, firfircooni ruuxeed, iyo raynrayn jidheedba. 

Laakiin! Kawaran qori-cuudkaasi hadduu ku sugan yahay xaalad xanuuneed, iyo hoobadka geerida, qiiqune uu yahay taahiisii, iyo reenkii ilmada ee uu ku muujinayay!

Xeebta ama jamal weyn ayaad isa soo qotominaysaa. Waxaad daawanaysaa quruxda badda, iyo mawjadaheeda. Waxaad indhaha la raacaysaa midabka buluugga ah ee badda ku dahaaran, iyo hirarka cadcad ee safafka u socdo. Waxaad la ashqaraaraysaa kolka uu hirku hardiyo jamalka ee biyaha afarta jiho u kala firdhadaan. Sawaxanka biyaha, udgoonka kalluunka, iyo midabka badda ayaad ka helaysaa. Aaaah! Intaad tiraahdo ayaad qanacsanaan gudeed dareemaysaa. 

Laakiin! Kawaran hadduu dulmi badda ka jiro, oo dhibco biyo ah oo aan diyaar ahayn la soo qasbayo, deedna jamal ama dhagax wayn si jujuub ah la isaga garaacayo, deedna qaarkood iyaga oo jahwareer ka qaaday xaaladdaa ay bariga ku soo dhacayaan, oo halkaa ciidda ku nuugayso, iyaga oo halkaa ku qudhbaxaya. Guuxa iyo guryanka biyaha ka yeerayane uu yahay ka gadoodka dulmiga lagu hayo!

Daaqada gurigaaga ayaad soo istaagaysaa. Waxaad maqlaysaa codad shimbiro oo kala jaad ah. Jiiq! jiiq! jiiq! Laxanka, iyo luuqda luqunta dhuuban ee saafida ka soo baxaysa ayaad u riyaaqaysaa, oo indhaha ayaad isku qabanaysaa. Raaxo gudeed ayaad dareemaysaa oo aaaah! Ayaad si qalbiyan u oranaysaa. 

Laakiin! Kawaran haddii shimbirahaasi tacsi iyo dhiillo u taallo, oo laga dilay kuwo ay wehel ahaayeen ama hoygoodii laga dumiyay, codadkaa ay bixinayaane ay u tahay taah, oohin, iyo baroordiiq!

Geed badhtamaha beertaada ku yaalla ayaad is hoos dhigaysaa. Labadii indhood ee madaxaada ka soo jeeday ayaad degdeg jihooyinka ugu kala qaybinaysaa. Waxaad indhaha ka qaadaysaa oo u daawasha galaysaa caleemaha iyo midabbada geedaha kala duwan ee kugu meegaaran. Huruud, guduud, cagaar, iyo qaar bunni ahba waad arkaysaa. Ruxanka laamaha, iyo jabaqda ay samaynayaan ayaad la tacajabaysaa oo aad u riyaaqaysaa. Kolol ayaa dabayli imaanaysaa oo caleemaha qaar oo cagaar, huruud, iyo bunni isugu jira ayaa si xallad iyo xiiso leh u soo daadanayaan. Waaaw! Ayaad oranaysaa oo muuqaalkaa la ashqaraaraysaa. 

Laakiin! Kawaran haddii caleemahaasi xilligoodii dhamaaday oo sii dhimanayaan, ama dabayli si qasab oo dulmi ah ay u soo daadinayso, iyada oo ka fogaynayso geedkii dhalay, laamihii ay ku yaaleen, iyo dhigoodii kale ee caleemaha ahaa, ee ay isku ayniga ahaayeen. Hoobadka, iyo markay dhulka ku soo dhacayaan jabaqda yar ee ay samaynayaane ay ku muujinayaan dulmiga iyo qudhgooyada ay dabaysha ku samaysay!

Adiga! Haa adiga! Sariirtii geerida ayaad saaran tahay, oo waad taahaysaa. Waxaad xanuunsato, galgalato, rafato, islaba-geddiso, oo naftu kaa guranto mar kaliya ayaad naf iyo dhaqaaq joojisay. Waxaa farxay qof! 

Xabaalqode saaka qabri iska qoday, isaga oo rajeeyay inuu qof uun maanta dhinto, deedna shilimaadkiisa la siiyo ayaa khabarka geeridaada niyada kaga farxay, se, foolka murugo ka muujiyay. Isaga kaliya ma uu farxin ee aboorkii muddada dheer abaaraha dabiiciga kusoo rafaadsanaa oo niyada naruuro buux dhaafisay oo iilka kugu sugaya ayaa isagane faraxsan!

Sidaa awgeed, guud ahaan geerida waxaa ku qarsoon qurux! Waa qurux ay daawan karaan noolaha kale ee ka madax banaan magac ahaan iyo muuqaal ahaan quruumaha markaas duruurta geerida ay dul hoganayso!

W/Q: Aw Dacar

Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!