Waxaan Ahay Khaa'in!

 


Gacalladaydiyeey, waxaan ahay Khaa'in! Arrinkani keli kuma ihi, oo waad igu la jirtaa. Asalkaba dunta aynu ka samaysannahay ayaaba ah; Kheyr iyo Shar. Sidaa awgeed, dhammaanteen waxaa inagu lammaan qayb iyo waax wax khiyaamayn karta. 

Balse, badi dadku waa ay dafiraan oo qariyaan qaybtooda sharka ahi. Aniga se waan kuu sheegayaa oo aan kaaga digayaa. Ma rabo inaan Malag yar oo ceeb-ka-saliima isaga kaa dhigo. Haddaba iska kay ilaali, oo isku kay ilaali.

Yaysan ku maandooriyayn weedhahayga uu malabka ka da'ayo. Waayo, waxba kuma aha, in berri ay sun isu beddelaan. Sidaa oo ay tahayna i aammin. Kasha ha u wada furin, koolkoolintaydan farshaxanka lihi. Maxaa yeelay, waxba kuma aha in berri uu kadeed ka dambeeyo. 

Sidaa oo ay tahayna i aammin. Ha is dhigan oo ha seexan kolkaan Wehelnimo kuu muujinayo. Sababtoo ah, waxba iguma aha inaan berri gudcur kaaga dhex dhaqaaqo. Iyada oo uu xaal sidaa yahay, haddane i aammin.

Sideedaba waa inaad ku socotaa liidka lidadka. Si kale, meel u dhexaysa Haa iyo Maya. Gacalladaydaay, tani waa qaacida-nololeed. Malaayiinsano ayay inaga horraysay, inaga ne dambayn doontaa. Waxa ayna u muuqataa in aynan waxba ka beddeli karin. Ku baraarug oo qorshaha ku darso Khaa'imadaydiyeey.

Comments

Popular posts from this blog

Safar Macnawi ah.

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Kamkamkii Kalluunka!