Xogwarrankii Dayaxa.
Qiyaastii waa ay hurudaa. Maya ee sariirtay dul daadsan tahay. Dhar aan baati iyo bijaamo u kala garanwaayay ayay xiran tahay. Beerka ayay u jiiftaa oo maradaa bawdada sii maraysa. Maradeeda oo kaliya ma aha, ee go'-sariireedkeedii dhammaa ayay bar kamida soo jiidatay, oo inta ay soo cantoobsatay ayay bartamaha naasaha ku camcamisay.
Garanmaayo ujeedka ay ka lahayd. Se marka aad indho haad ama drone kor kaga soo eegto, waxaa kuu muuqanaysa; Gashaanti dhabbacan oo bawdyo iyo kubab qaaqaawan, oo bartamaha sariirta si habqana u kala taalla. Waxaa kale oo kuu muuqanaya wax aad badhyo iyo buuro u kala garanwaayayso oo jirka intiisa kale ka sarreeyo.
Waxaa kale oo aad arki kartaa wax godan oo aad moodo tog ama doox, se markaad indhaha ku sii baniinisid ayaad ku baraarugaysaa in dooxaasi uu yahay dhabarkeeda.
Bawdyaheeda qaawan ee cadcadi iyo xaada kubabkeeda, waxa ay bartamaha qolka mugdiga ahi kaaga muuqanayaan, sidii oo ay yihiin shumacyo yaryar oo iftiimaya.
Xogtan iyo xuuraansigan yari, waxaa ila wadaagay Dayaxa oo caawa dusha Aqalkeeda soo maray.
Comments
Post a Comment