Dhicid Iyo Labo Dhinac.
Waa sidaa! Waa sida aan kuu sheegay ee aan weliba kuugu celceliyay. Marnaba si buuxda kuguma ballanqaadi karo la joogayga, la sheekaysigayga, iyo laabgellintaydaba. Arrintaasi waxa ay gashay oo ay ka tallaabsatay xadka iyo xuduudda hubanti la'aanta. Dunida dareennada iyo Caalamka dhalanteedka marka aynu joogno waa meesheeda, se, kolka aynu joogno Dunida dhabta ah waa beentay, haddii aan ku iraahdo; "Gebigaygaba adiga ayaa i leh, marwalbane agtaada iyo kashaada ayaan ahay!" Wixii ay naftaydu jamato oo ay jeclaato ayaanan u ballanqaadi karin helisteeda, sidee ayaan wax kuugu ballanqaadi karaa adiga oo aniga iga baxsan! Laakiin waxyar Gacalladaydaay waxyar! Waxaa jirto wax aan awoodo. Wax aan samayn karo ayaa jirta. Waa in aan kula joogo inta awoodayda. Waa in aan kashaada ahaado inta karaankayga. Arrintaasi dadku dedaal ayay ku sheegaan. Balse aniga loollan qaddarka, nasiibka iyo waayaha nolosha la la galayo ayaan u arkaa. Lama na hubo cidda guusha raaci doonto. Waa daga