Posts

Waxaan Ahay Khaa'in!

Image
  Gacalladaydiyeey, waxaan ahay Khaa'in! Arrinkani keli kuma ihi, oo waad igu la jirtaa. Asalkaba dunta aynu ka samaysannahay ayaaba ah; Kheyr iyo Shar. Sidaa awgeed, dhammaanteen waxaa inagu lammaan qayb iyo waax wax khiyaamayn karta.  Balse, badi dadku waa ay dafiraan oo qariyaan qaybtooda sharka ahi. Aniga se waan kuu sheegayaa oo aan kaaga digayaa. Ma rabo inaan Malag yar oo ceeb-ka-saliima isaga kaa dhigo. Haddaba iska kay ilaali, oo isku kay ilaali. Yaysan ku maandooriyayn weedhahayga uu malabka ka da'ayo. Waayo, waxba kuma aha, in berri ay sun isu beddelaan. Sidaa oo ay tahayna i aammin. Kasha ha u wada furin, koolkoolintaydan farshaxanka lihi. Maxaa yeelay, waxba kuma aha in berri uu kadeed ka dambeeyo.  Sidaa oo ay tahayna i aammin. Ha is dhigan oo ha seexan kolkaan Wehelnimo kuu muujinayo. Sababtoo ah, waxba iguma aha inaan berri gudcur kaaga dhex dhaqaaqo. Iyada oo uu xaal sidaa yahay, haddane i aammin. Sideedaba waa inaad ku socotaa liidka lidadka. Si kale, meel u d

Xogwarrankii Dayaxa.

Image
Qiyaastii waa ay hurudaa. Maya ee sariirtay dul daadsan tahay. Dhar aan baati iyo bijaamo u kala garanwaayay ayay xiran tahay. Beerka ayay u jiiftaa oo maradaa bawdada sii maraysa. Maradeeda oo kaliya ma aha, ee go'-sariireedkeedii dhammaa ayay bar kamida soo jiidatay, oo inta ay soo cantoobsatay ayay bartamaha naasaha ku camcamisay.  Garanmaayo ujeedka ay ka lahayd. Se marka aad indho haad ama drone kor kaga soo eegto, waxaa kuu muuqanaysa; Gashaanti dhabbacan oo bawdyo iyo kubab qaaqaawan, oo bartamaha sariirta si habqana u kala taalla. Waxaa kale oo kuu muuqanaya wax aad badhyo iyo buuro u kala garanwaayayso oo jirka intiisa kale ka sarreeyo.  Waxaa kale oo aad arki kartaa wax godan oo aad moodo tog ama doox, se markaad indhaha ku sii baniinisid ayaad ku baraarugaysaa in dooxaasi uu yahay dhabarkeeda.  Bawdyaheeda qaawan ee cadcadi iyo xaada kubabkeeda, waxa ay bartamaha qolka mugdiga ahi kaaga muuqanayaan, sidii oo ay yihiin shumacyo yaryar oo iftiimaya. Xogtan iyo xuuraansigan

Dhicid Iyo Labo Dhinac.

Image
Waa sidaa! Waa sida aan kuu sheegay ee aan weliba kuugu celceliyay. Marnaba si buuxda kuguma ballanqaadi karo la joogayga, la sheekaysigayga, iyo laabgellintaydaba. Arrintaasi waxa ay gashay oo ay ka tallaabsatay xadka iyo xuduudda hubanti la'aanta.  Dunida dareennada iyo Caalamka dhalanteedka marka aynu joogno waa meesheeda, se, kolka aynu joogno Dunida dhabta ah waa beentay, haddii aan ku iraahdo; "Gebigaygaba adiga ayaa i leh, marwalbane agtaada iyo kashaada ayaan ahay!"  Wixii ay naftaydu jamato oo ay jeclaato ayaanan u ballanqaadi karin helisteeda, sidee ayaan wax kuugu ballanqaadi karaa adiga oo aniga iga baxsan! Laakiin waxyar Gacalladaydaay waxyar! Waxaa jirto wax aan awoodo. Wax aan samayn karo ayaa jirta. Waa in aan kula joogo inta awoodayda. Waa in aan kashaada ahaado inta karaankayga.  Arrintaasi dadku dedaal ayay ku sheegaan. Balse aniga loollan qaddarka, nasiibka iyo waayaha nolosha la la galayo ayaan u arkaa. Lama na hubo cidda guusha raaci doonto. Waa daga

Waraysigii Sanyare | Faallo.

Image
"Sideedaba, Alshabaab cidda ugu dambeeya ee ay dilaan, waa Cadawgooda!"- Xildhibaan Sanyare. Sadarradan kooban ee soo socda, waxa aan idin kula wadaagi doonaa, qaar kamida wixii iiga soo baxay waraysi laba qaybood ahaa oo laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobalka Mudug, haddana ah; Xildhibaan Federaal. Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa 27-da Jun ee 2020-kii loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug. Goortaa waxa uu Gobolka la daalaadhacayay colaad iyo aanooyin sokeeye iyo amnidarrada Alshabaab.  Subaxdaa la magacaabay, subaxdeeda kale ee 27-da Jun ee 2021-dii, waxaa dil toogasho lagu fuliyay Siddeed iyo Toban ka tirsan Alshabaab. Toogashadaa kadib, waxaa Gaalkacyo iyo si guudba Gobolka u soo udugtay Saxansaxa-nabadeed. Ayaanle oo ah Weriyaha waraysiga qaadayay ayaa su'aalay, sababaha u suuraggaliyay soo qabashada raggaas iyo in uu Amniga Gobolka wax muuqda ka qabto.  Sanyare ayaa jawaabtii ku soo koobay laba qodob. Dedaal uu la yimid iyo doonista Alle oo kulantay. Wa

Squid Game | Faallo.

Image
Nin aan magaciisa iminka xusuusnayn oo noloshiisa intii dambe waali ku dhammaystay ayaa laga hayay "Dunidani waa hordhacii cadaabta aakhiro iyo gabal kamida nacladda Eebbe!"  Hawraartaasi waxa ay igu soo dhacday kolka aan dhamaystay filimkan. Sawirka guud iyo qorshaha filinka waa koox dahsoon oo qabanaysa ciyaar ku guulaysashadeeda $38M ay tahay. Ciyaartaa waxaa kasoo qaybgalaya 456-qof oo ay dani iyo duruuf dabada ka riixayso.  Kasoo qaybgalayaasha waxaa loo sheegayaa qofkii shuruucda ciyaarta baalmara ama guuldaraysta in ciyaarta laga fadhiisinayo. Iyaga waxa ay u fahmeen in qofkaa uu xaafaddiisa iska aadayo.  Laakiin fadhiisiga waa in nolosha iyo dunidaba uu ruuxaa ka fadhiisanayo! Sidoo kale waxaa loo sheegayaa hadba qofkii dhinta in ay lacagtu sii kordhayso, midaa oo ay ciyaaryahannadii dhexdooda ka bilaabantay iyo inay dhexdooda is-dooxaan. Sida caadiga ah waxaa la doonayaa inay dhimato 455-qof, oo kaliya soo haro hal qof oo lacagtaa ku guulaysta. Kolka laga tago sawirk

Labo Cadow Iyo Maarayntooda.

Image
Farmaajo kolka uu Fillada tagay February, 2017 waxa uu istusay malahayga laba cadow in ay dalka ka jiraan. Waa Mucaarad iyo Shabaab. Kuwa hore inay kuwa dambe ka daran yihiin ayuu hoosta ka xariiqay oo dagaalkooda u qalabqaatay. Qoloda dambe iskuma uu taaban oo malaha labo dagaal ha isku furin ayuu ku fekeray.  Waa sida ay ila tahay'e, qorshihiisa waxa uu ahaa in Mucaaradka uu miciya siibo, oo dalka wax awood lihi ay isku soo haraan isaga iyo Shabaab. Shabaab qudhooda waa fahmeen qorshahan, waana sababta aysan dagaal daran ula gelin dawladdiisa, wakhtina aan iska lumin ee ay billaabeen hanti urursi, dib isu habayn, iyo sii adkaynta dhidibbada Ururka, si ay ugu diyaar garoobaan awoodda Nabad Iyo Nolol ee u malafsanaysa wada liqidda Mucaaradka. Ugu dambayn, Farmaajo waxa uu hawada ku dubtay Guddoomiye Baarlamaan, kii Gobolka Banaadir, Saddex Madaxwayne Maammulgoboleed iyo kuwa kale. Wakhtigii ayaa ka dhacay, iyada oo ay Mucaaradkii uga dhinnayd labo Madaxwayne Maammulgoboleed oo kali

Masraxii Duulitaanka!

Image
Ina gee oo ina dhex-jooji masraxa. Masraxii duulitaanka. Joogso, oo jooggaaga isqotomi. Deedna ii dhiib fiida hore ee faraha gacmahaaga. Sidaa u qotonsanow oo qaddar daqiiqado sidii oo ay shambir dhakada kaa saaran tahay u taagnow. Ahow, oo sidaa ahow illaa ay sidii danabkii isu taabtaan faraha dhiijayga iyo magsarka miyuusiga.  Aaheey Gacallo! Waa kaa danabkii kacay ee masraxii isla dayaamay. Maya! maya, ee isla yuusay. Miyuusig hoose oo si u gunuunacaya ayaa sameecadihii ka soo baxay! Sidaa awgeed, qunyar dhexda jilci ama jebi, oo qaybta hoose kaga yara dhaqaaji. La jaalnoqo miyuusiga-hoose oo cago jiitamaya fiida faraha kaga istaag.  Isdabadhig lugaha sidii oo ay is-eryanayaan, deedna si wahsiya oo aad laxanka miyuusiga lahaysatid, kolba tallaabo qaad oo horay u qaad. Waan kula socdaa, oo tallaabada kula qaadayaa.  Hadda miyuusigii hoose ee gunuunacayay, gurxan isa soo taraya ayuu yeeshay. Sii furfur xubnaha, oo ka daadi silsiladaha murqaha iyo kalagoysyada ku giigsan, oo jirka u di

Martisoorkii Maqaadiirta!

Image
Kolka ay isu kaa raacaan; Gacalkaada, Gabbaldhaca, Gebi-jamaleed hoostii, iyo Goob-cidleed ay aamusnaantu haraysay, waa nooc kamida; kedisyada wadno qabadka ah. Si kale, waa nooc kamida; xaalmarinta iyo sabeenxirka uu Waayaha sameeyo, midkaa oo maalmahan oo dhan, arrimaha si uun u kala daadinayay. Sidaa awgeed, galabta waa aynu shuqlannayn. Waxa aan aniga iyo gacalladayda ku mashquulsannayn karinta iyo cunista; Sabeentii ay maqaadiirtu inoo gawracday, si ay noogu xaalmariso. Sabeenta, karinteeda, iyo cunisteeduba, tii la yaqaanay, ee ay dadku isla garanayeen ma ay ahayn.  Sabeentu, waxay ahayd hanashada iyo isku helista, cajabta iyo shaamareerka sadarka koowaad ku wada xardhan. Karinteeduna, waa isdhigidda dhulka iyo fadhiisiga gebi-jamaleedka hoostii, meel biyaha badda u dhow, iyo iska fogaynta taleefan iyo aalad kasta oo kale. Sidaa ayayna ku bislaatay Sabeentii. Kolkaa, Sabeentii bislaatay, qaab-cunisteeda, waxa ay ahayd; isu-keliyoobid .. iska soo horjeesasho .. gacmo isudhiibid ..

Kamkamkii Kalluunka!

Image
Waa ay is gaabisay, oo qunyar shaf gariiraya dhulka dhigtay. Qabowga iyo qallafsanaanta daran ee dhulka ayay dareentay, se dan kama aysan gelin ee waa ay isku nabtay, illaa ay kamid noqotay dhulkii. Walow ay soo oroday, haddane waxay isku hawshay in hinraageeda iyo hugunka laabteeda ay xakamayso. Sida ilmaha qayliya naaska loogu aamusiiyo, ayay dhug-dhugta wadnaheeda ciidda ku aamusiisay. Dhaqdhaqaaqa xubnaheeda iyo neefsigaba waa ay joojisay. Indho didsan oo baqanaya ayay horteeda ku eegtay. Waa barta ay sanqadha iyo urta ka dareentay. Waxba se waa ay arki waydey. Walow uu mugdi iyo ilays la’aan dhulka ka jiray, haddane taasi kama qarin, kama na hor istaagin. Mugdiga waa ay ba ku shaqaysataa.  Cawska iyo caleemaha ku meegaaran ee ay dhexda kaga jirto ayay u sababaysay wax arag la’aanta. Sidaa awgeed, iyada oo sanqadhtiranaysa oo sidii u dhabbacan ayay sida askari dagaal ku jira u ruqaansatay. Goortii ay gaadhay goobtii ay wax ka arki kartayna, waa ay joogsatay. Hadda, si waafi ah ayay

Safar Macnawi ah.

Image
Gacallo! Gacalladaydaay! Sideedaba, Basharka waxaa u dabci ah, dabiicina u ah inuu janto oo jeclaado tagtada waayihiisa. Waana sababta uu ula baxay Berisamaad. Waa sababta kololka uu kedis ku xusuusta waayihiisa carruur iyo kacaannimo uu daqiiqado aamusnaan ah isla maqnaado oo ruuxdiisa u dawaafiyo beryo iyo beryo kahor. Kolkaane caalamka maahsanaanta ku dhex dhoollacadeeyo, sidii qof waalan. Gacallo! Gacalladaydaay! Marka laga tago inaad waayahaadii u xiistay, sidoo kale waxaad ku daashay taagantaada. Waxaad ku hafatay badweynta waaqica walaxawday. Waa duni casriya oo qalabkii iyo tegnaloojiyadii ka sharaf iyo qiimo bateen Basharkii daahqaaday. Afgambi aan dhiig ku daadan ayay dunidii ku qabsadeen, oo Basharkii gacan ku dhigeen. Waxa aynu noqonay addoomadii ugu horreeyay ee sayidkooda daahfuray.  Haddii addoomadii hore ay sayidkooda dhabarka ku qaadi jireen, innaga maanta jeebabka ayaynu ku sidanaa. Haddii waagii hore addoomada suuqa laga soo iibsan jiray, markan sayidka ayaa suuqa l

Quruxda Wedka!

Image
Qori-cuud ayaad dab qabadsiinaysaa. Qiiqiisa ayaad sanka la raacaysaa, adiga oo indhaha iyo afka isku qabanaya. Aaaah! Ayaad niyada ka oranaysaa, oo aad sanka udgoonkiisa ka qaadanaysaa. Waxaad ahaanaysaa mid ku qanacsan xaaladaa, una riyaaqsan, dareemayane farxad, firfircooni ruuxeed, iyo raynrayn jidheedba.  Laakiin! Kawaran qori-cuudkaasi hadduu ku sugan yahay xaalad xanuuneed, iyo hoobadka geerida, qiiqune uu yahay taahiisii, iyo reenkii ilmada ee uu ku muujinayay! Xeebta ama jamal weyn ayaad isa soo qotominaysaa. Waxaad daawanaysaa quruxda badda, iyo mawjadaheeda. Waxaad indhaha la raacaysaa midabka buluugga ah ee badda ku dahaaran, iyo hirarka cadcad ee safafka u socdo. Waxaad la ashqaraaraysaa kolka uu hirku hardiyo jamalka ee biyaha afarta jiho u kala firdhadaan. Sawaxanka biyaha, udgoonka kalluunka, iyo midabka badda ayaad ka helaysaa. Aaaah! Intaad tiraahdo ayaad qanacsanaan gudeed dareemaysaa.  Laakiin! Kawaran hadduu dulmi badda ka jiro, oo dhibco biyo ah oo aan diyaar ahay

Dunida Ogaalka Iyo Ogaal La'aanta.

Image
Labadan noole ee sawirka ka muuqda isku mooral ma aha, isku jawina kuma jiraan. Sababtu waa inay laba duni ku kala nool yihiin; Dunida Carruurnimada iyo Dunida Hooyanimad. Si kale haddaan u dhigno, waxa ay ku kala noolyihiin, Dunida Ogaalka iyo Ogaal la'aanta. Hooyadu waxa ay maxbuus ku tahay oo ay ku dhex silsiladaysan tahay dunida Ogaalka. Waxa ay ogtahay waxa dalkeeda Yukreen ka dhacay. Waxa ay fahamsan tahay xaalka ku hareersan iyo waxa uu qaddarka la maaggan yahay. Waxa ay qiyaasanaysaa hubanti la'aanta timaaddada ee ay ku sii socoto. Waxa ay aragtaa in ay haawanayso waddadeeda mustaqbal oo aysan heli karin wax u miciina.  Waxa ay istusinaysaa sheekooyin iyo dhacdooyin dal burbursan iyo qaxooti ku saabsan oo ay in badan telefeshanka ka daawan jirtay oo ay maanta si dhab ah u wajahayso. Waa sababta ay u murugsan tahay, waa sababta ay u mooralxun tahay. Waa sababta ay u maahsan tahay. Waayo, waxbay ogtahay oo dunida Ogaalkay ku cadaaban tahay. Noolaha kale ee yari ee taleefa

Gelbiskii Geerida!

Image
Waxyar kahor inta aanu jawiga miyuusigoobin wax walba caadi ayay ahaayeen, sida dabiiciga ahayd. Qunyarkiisii ayuu dagaalka isaga socday, sidii lagu yaqaanay. Nafo badan hoygoodii dahsoonaa ayay u hoyanayeen, iyaga oo midab casuusa lagu gelbinayo. Goobtuna, waxaad moodaysay in Webi dhiigga uu kusoo fatahmay. Qaarbaa warmo laga taagayay, qaarne seefo ayaa kurka looga gurayay, qaarne leebab ayaa laabta laga surayay. Kuwaa dambe ee dadka laabta ka abbaarayay ayaan se kamid ahaa.  Leeb iyo qaanso ayuu ahaa hubka dagaal-galkaygu, balse seefta ayaan kaga mutacallinsanaa oo aan caashaqsanaa. Waayo, waxa aan weligay jeclaa inaan qaato neefta ugu dambaysa ee ka soo baxaysa afka ninka aan seefta caloosha kaga dooxay.  Waxaan ogahay in isaga aysan neeftaa ikhtiyaarkiisa kaga soo bixin, ee uu wedka si khasaba kaga soo saaray. Waana kulan barakaysan oo aan malakulmawtka la yeelan karo, kolka uu intii ugu dambaysay ee nafta sidaa uga dhufto, deedna uu samada ula duuli rabo, ninkii aan dooxayna isaga

Dumar Iyo Jacayl.

Image
Haweenku waa noole yaab leh! Waxay ku nool-yihiin duni diimaha oo dhammi ay rag la yimaadeen. Dawladaha oo idilna ay rag dhisteen. Xeerarkii iyo qawaaniintiina ay rag dajiyeen. Manaahijtii waxbarashada iyo nidaamyadii kale ee noloshane ay rag qaabeeyeen. Dhibaatooyin jidheed iyo mid ruux ahaaneedna loo geystay. Nooc walba oo noloshan loogu isticmaali karayna, loogu adeegsaday. Si walba oo laga yeelan karo, lagu sameeyay. Haddane waxaa oo idil waa kasoo gudbeen, oo ka badbaadeen!  Waxay sheegaan in baranbarada meel walba oo Aadane joogo, ay joogto. Oo waxaa la yiraahdaa "Halka baranbaro lagu arko, Aadane lagu arag, halka Aadane lagu arkane, baranbaro lagu arag" Sababta waxaa lagu sheegaa sida uu Insaanku ula qabsan karo cimilo walba iyo deegaan kasta inay baranbaraduna ula qabsan karto. Sidaa oo ay tahay Aadanaha waxa uu isku dayay bahashaa baranbarada ahi, inuu dabar-gooyo, balse waa ay suuroobi wayday. Isla sidaa oo kale ayaa la isku dayay in la dabar gooyo dumarka, waa se d

Habeenkii Baraaruga.

Image
Waxbaad fahamtay. Maya...dareentay. Cadow baad ogaatay. Maya...kuu baxay. Ma aha mid kaa fog, ee waa mid kuu dhow. Maya..Maya...kugu lingaxan. Labada meel ee ay taladu kaaga go'do ayuu mid kamida fadhiyaa. Bal'e halka lagu kala shaandheeyo go'aammada masiiriga ayaaba u ah rug. Cadawgaasi ma aha mid danqada, diirnaxa, oo digiigaxa. Waxba kama qaban kartid. Maxaad wax ka qabataa, go'aanka aad wax kaga qaban lahayd soo isaga ma marayo. Jaalle! Ma cid iyo cadow ayaa jirta oo baabba'eeda qalinka ku duugayso. Xaasha! Wax uusan go'aaminin ama laga talo-galinin ma dhaqangalaan. Waa se dhacdaa in marar laga hoos duso, balse dhaqangalkeedu waa mid dhibaato laga la kulmo, ugu dambayna la joojiyo. Joogsi! Weligaa waxaad isweydiin jirtay waxa kharriban, wakhtiga iyo xilliyada waxa ka khaldan. Iyaga oo habeennadu mid qudha yihiin ayay haddane qaarkood qaarka kale inay ka dheeryihiin kuugu muuqdaan. Habeennada qaar waa sikimo, habeennada qaarne waa sannado. Waxaad se u fiirs

Go'doon!

Image
Sankii ayaa cuncunay. Dhawr jeer ayuu maraanmaray, deedna hindhisay. Hendhis! Hendhis! Waa kaa sanboorkii ku kacay. Waa kaa fiif iyo fuufta guray. Waxa uu si xoog leh duufka iyo dareeraha isaga siimiyaba, neerfa uu qabay ayaa ku kacay. Qandhay u gudubtay, oo qadhqadhyaa xigay. Waa kaa ilkihii isku garaacay. Waa kaa bawdyihii isla dhacay. Waa kaa bustihii haahaabtay. Waa kaa mijo illaa iyo madaxa ay wada gariireen, sidii oo ay koronto xoog leh haleeshay. Waa kaa luquntii iyo lawyihii isu keenay ee gebigiisaba bustaha isku duuduubay.  Qoysku, waa ay wada hurdaan oo iminka ayuun buu habeenkii sidii uu u luudayay saqdii dhexe madaxa la galay. Liibaan waa 19-jir ku dhex-xannuunsaday qol afar mitir ah oo ilays ka bakhtiisan yahay. Laaca oo ay kala caraysnaayeen ayaa kedis kusoo wacday. Waa kaa taleefankii iska dhacaya, ee aan cidna qabanayn. Maadaama la kala caro-maqnaa, Laaca waxaa kaskeeda kub kusoo yiri, in Liibaan kas ugu dhagaysanayo. Laba kala bariday kala warla.  Nasiib wanaag inta uu

Ayaandarran!

Image
Qiyaastii waa siddeed ama sagaal jir. Ama waxa aynu ku afgobaad iyo koobi karnaa; Waa Foodley. Waxa ay dhextaagan tahay xad. Xadku ma aha, midkii aynu naqaannay ee u dhexeeyay labo deegaan ama degmo ama gobol amaba waddan. Taa beddelkeeda, waxa ay si anfariir leh u dhex-qotansan tahay xadka labada duni ee kala ah; Dunida Nolosha iyo Dunida Qubuuraha. Dunida hore si shil ah oo yaab leh ayay ku soo gashay. Waxa ay u badan tahay, in labo sabool ah oo dareenkooda-shahwadeed si kasta oo kale uu u gubay, deedna caaddifadooda-shahwadeed caqli iyo maarayn ku dariwaayay, oo inta qol madow si xilkasnimo la'aana isula galeen, deedna sariirta dusheeda iyaga oo qaaqaawan sagaashan daqiiqo si la yaqaano iyo si aan la aqoonba ay isugu harraadbaxeen.  Ciyaartaa sagaashanka daqiiqo socotay iyo sagaalkeeda sikin ee biyabbax ahayd, waxaa ka dhashay sagaaljirtan ay qorraxda iyo waayuhuba xadka labadaa duni ku dhex-dubanayaan, iyaga oo weliba haddii la doono ula baxay, magaca; Ayaandarran. Dunida dambe

Malaa'igtii Yarayd!

Image
Waxan yari ee si walba u macaan, sida ay dhakada aqalka ugu taagan tahay ama ugu fadhido ayay wax walba oo ku hareersan dhakada ugu istaageen, sidii oo ay khamraysan yihiin ama dheelallowsan yihiin. Ma aha inay si runa madaxa ugu istaageen oo cagahii madax u noqday, ee waa macnawi. Ruuxdii yarayd ee ku jirtay ayaa qulubaageddisantay, kolka Malaa'igtaa yari ay aqalka dushiisa soo kortay. Dayaxa oo cirka si doqonnima leh isaga dangiigsanaa, isaga oo daruur madow huwan ayaa kolqura booday oo hu'gii xooray, deedna isaga oo mudh iyo gacan u istaagay qalanjadan indho-daraandarisay. Sideedaba dadka ayuunbaa hu'ga ku qurxoon, ee dugaagga, dabeecadda iyo deegaankuba qaawanaanta ayay bilicdooda ku soo baxdaa. Tiro Shimbiro ah oo aan dhaqan iyo caado u lahayn soo bixintaanka habeenkii ayaa kolqura si ogaal la'aana baalashadooda u kala fidiyay, kolkuu iftiinka dayaxa ku dhacay Malaa'igta yari ee aqalka dusha uga fadhida. Waxaanay hoos heehaabeen, iyaga oo heebad iyo xushmad u m